Murtad Cirro oo Shaaca ka Qaaday Qorsheyaal uu Doonayo nuu Itoobiya ugu Gacan-geliyo Qaybo ka Mida Badda Soomaaliya

Jan 24, 2026

Madaxa maamulka gaalla-raaca Somaliland oo maalmo ka hor safar ugu baxay dalka Switzerland oo uu ka socday shir caalami ah oo looga hadlayay dhaqaallaha adduunka, ayaa xogo dheeraad ah laga helay, kulamo uu la yeeshay madaxweynaha Yahuudda iyo wiil uu dhalay Donald Trump.

Wiilkan oo ka mida saraakiisha sare ee maamula hantida iyo ganacsiga qoyska Trump ayuu murtad Cirro u bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera sida ay wakaaladda wararka ee Reuters kasoo xigatay labo qof oo ay sheegtay in goob-joog ay ka ahaayeen fadhigaasi.

Reuters oo murtad Cirro wax ka waydiisay kulankaasi, ayaan faahfaahin dheeraad ah bixin, balse wuxuu sheegay oo kaliya in kuklanku uu u dhacay si fiican. Sidoo kale xiriir ay warbaahintani la samaysay afhayeenka wiilka uu dhalay Trump, ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday in wax tafaasiil ah uu bixiyo.

Intii Cirro uu ku sugnaa magaalada Davos ee shirku uu ka socday, ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta wax uu sheegay in Itoobiya ay la leeyihiin xiriir aad u wanaagsan, haddii ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga, isagoo intaas ku daray in haatanna ay diyaar u yihiin sii xoojinta arrimahaasi.

Weydiin Cirro la hor-dhigay oo ahayd, maxaad ka qabtaan doonista Itoobiya ee gaarista Badda, ayaa ku jawaabay:

 “Waxaanu rumaysannahay oonu aqoonsannahay in Itoobiya ay xaq u leedahay inay hesho meel ay Badda ka gaarto, waxaanan wada horumarin karnaa kaabayaasha dhaqaalaha iyadoo laga wada-shaqaynayo, waana naga diyaar in aan arrintaas kala hadalno Itoobiya.”

Sidoo kale hor-joogaha maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland waxa uu yiri isagoo ka war-celinaya weydiin ahayd, maxaa kugu kallifay hammiga ah inaad ku biirtaan heshiiska Ibraahiimiyada?

 Murtad Cirro ayaa ku jawaabay: “Mabda’ ahaan siyaasadda Somaliland waa xasillooni iyo nabad, hindisaha Ibraahiimiyaduna asal ahaan waa mid nabadeed, waxa bilaabay madaxweyne Trump, annaguna waan taageersanahay nabadda, maadaama ay Israa’iil na aqoonsatay annagoo ka jawaabayna, hindisaha madaxweyne Trump, waxaanan doonaynaa inaan ku biirno heshiisyada Ibraahiimiyada”

Murtad Cirro oo saacdihii lasoo dhaafay kasoo ambabaxay Switzerland, ayaa ilo-wareedyo soo baxay goor dhawayd ay sheegayaan in golihiisa wasiirrada uu isugu yeeray kulan deg-deg ah oo gelinka dembe ee maant la filayo in uu kula yeesho magaalada Hargeysa, kaas oo aan la sheegin nuxurka uu daaran yahay fadhigaasi deg-degga ah iyo waxyaabaha looga hadli doono.

Si kastaba ha ahaatee, hadallada kasoo yeeray murtad Cirro ayaa cad u muujinaya inuu diyaar u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee murtad Muuse Biixi uu dawladda Xabashida Itoobiya ugu saxiixay qaybo ka mida baddda Soomaaliya iyo inuu gebi ahaanba gobollada waqooyi ee maamulkiisa hoos-taga ku wareejiyo maamulka Sahaayinada.