Murtad Cirro oo la Kulmay Madaxweynaha Yahuudda iyo Wiil uu Dhalay Gaal Trump.

Jan 22, 2026

Madaxa maamulka gaalla-raaca Somaliland murtad C/raxmaan-Cirro, oo saacadihii lasoo dhaafay aad loogu jahawareersanaa safar qarsoodi ah oo waddanka uu kaga baxay, ayaa ugu dambayn la ogaaday in uu gaaray dalka Switzerland, gaar ahaan magaalada Davos oo uu ka socdo shir caalami ah oo looga hadlayo dhaqaallaha adduunka ee sannadka 2026.

Madaxweynaha Yahuudda gaalka lagu magacaabo Isaac Herzog (Yitkhaak Herzog) oo qayb ka ah madaxda isugu timid shirkaasi, ayaa goor dhawayd bartiisa xiriirka bulshadda ee X, ku faafiyey qoraal uu ku sheegay kulan gaar ah oo murtad Cirro uu kula yeeshay magaalada Davos.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankaasi dhex-maray isaga iyo murtad Cirro, isagoo dhinaca kalena soo dhaweeyey wax uu ku sheegay yagleelidda xiriirka diblumaasiyadeed ee maamullada Hargeysa iyo Talaabiib.

“Waan ku faraxsanahay in magaalada Davos aan kula kulmo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, Waxaan soo dhawaynayaa yagleelidda xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labadeena dal, waxaanan rajaynayaa in aanu sii xoojino iskaashiga laba-geesoodka ah oo ay faa’iido ugu jirto labada shacab” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Sahaayinadu.

Dhinaca kale, murtad Cirro ayaa isna bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyey in kulankan oo uu ku sheegay casho-sharaf uu habeennimadii xalay la yeeshay madxweynaha Yahuudda, kaas oo uu xusay inay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dhinac.

Murtad Cirro oo faahfaahinaya ka qayb-galayaasha kulankaasi ayaa waxa uu yiri “Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka”

Shir-doceedyadan uu Cirro ka wado shirkan caalamiga ah ee ka socda Switzerland ayay wararku tibaaxayaan in maamulka Yahuuddu ay aad uga soo shaqeeyeen, kadib markii ay Somaliland u aqoonsadeen dal ka madax-bannaan Somaaliya ineeda kale.