Imaaraatka Carabta oo Calooshood u Shaqeystayaashiisa Kala Baxay Boosaaso.

Jan 22, 2026

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobalka Bari ayaa tilmaamaya in shaley diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines ay magaalada Boosaaso ka qaaday tiro shaqaallo ajaanib ah iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay dalka Colombia kuwaasi oo ku sugnaa saldhigga Imaaraatka uu ku leeyahay garoonka magaalada Boosaaso.

Ilo xogogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in Imaaraatka ay daadgureeyeen shaqaalahoodii ku sugnaa Boosaaso, iyagoona sidoo kale horay u sii qaatay qalabkii u yiilay saldhiggaasi.

Shaqaalahaan ayaa loo qaaday dalka Imaaraatka Carabta, mana jiraan faahfaahin ay dowladda Imaaraatka ka bixisay shaqaalaheeda ay kala baxday deegaanada Puntland.

Maamulka ridada ee Puntland ayaa sheegay in shaqaalaha Imaaraatka ee baxay aysan ku lug lahayn arrintaasi xiisada u dhaxeeysa Imaaraatka iyo Kooxda ridada Soomaaliya, balse ay ahaayeen kuwa fasax sanadle ah u baxay.

Imaaraatka ayaa dhawaan Muqdisho kala baxay qalabkii iyo shaqaalihii ka shaqeynayey safaarada Imaaraatka Carabta ee Muqdisho oo ku jiray safiirka Imaataatka ee Soomaaliya.

Dowladda Imaaraatka ayaa saldhigg militari oo weyn waxay ku leedahay garoonka magaalada Boosaaso halkaasi oo diyaaradahooda ay duullaan uga qaadi jireen dalka Suudaan iyagoo taageerayey falaagada RSF

Kooxda ridada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay burisay dhammaaba heshiisyadii ay kula jirtay dowladda Imaaraatka Carabta taasoo keentay inuu Imaaraatka ka guurro Soomaaliya goobaha uu ka joogay.