Dagaal iyo Qarax Khasaare Lagu Gaarsiiyay Murtadiinta oo ka Dhacay Duleedka Degmada Cadale.

Jan 15, 2026

Shabeellada Dhexe:

Qarax ay Mujaahidiinta ka fuliyeen maanta duleedka degmada Cadale ayaa lagu gubay gaari uu saarnaa qori Zuug ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka ridada, waxaana jira khasaaro gaaray maleeshiyaatkii saarnaa gaarigaasi

Inta la xaqiijiyay waxa qaraxan ka dhacay duleedka degmada Cadale ku dhintay 3 askari, 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, dagaallo saaka ka dhacay duleedka degmada Cadale kuwaasi oo lagu jabiyey maleeshiyaatka ridada waxaa ku dhaawacmay 6 askari oo murtadiin ah.

FAAFREEB PRO