Saacadihii lasoo dhaafay hawl-gallo oo lagu naafeeyey ciidamada Kuffaarta iyo maleeshiyaadka Ridada ayaa ka kala dhacay Shabeellada dhexe, Shabeellaha hoose, Baay, Mandheera iyo Gaarisa.
Gobolka Shabeellaha dhexe, dagaallo u dhexeeya ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Gurguurte ayaa saaka ka dhacay degmada Cadale.
Sida ay xogtu tibaaxayso, dagaalladan ayaa lagu jebiyey maleeshiyaadka calool-uusta, waxaana lagu dhuftay dhirbaaxo kulul oo u geysatay khasaare kala duwan.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay qarax ay Mujhaadiinta ka fuliyeen agagaarka deggaanka Lambar60.
Qaraxan ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka calool-uusta, waxaana la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 2 askari.
Waxa kale oo wararku ay intaasi ku darayaan in hawl-galkaasi ay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku gubeen mooto ay wateen maleeshiyaadka la qarxiyey.
Gobolka Mandheera oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya, waxaa ka dhacay dagaal culus oo ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Cumar Jilicow oo hoos-taga degmada Madheera.
Waxa la xaqiijiyey in muddadii uu dagaalku socday uu dab xooggani ka kacay teendho ciidamada Kenya uga dhisnayd gudaha xerada.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegay in ay jiraan khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkaasi.
Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiinta waxay qarax culus ka fuliyeen Mandheera, kaas oo ay la beegsadeen ciidamo isugu jiray Kenyaati iyo daba-dhilifyo Soomaali ah.
Askartan isku dhafka ah ee la qarxiyey ayaa la sheegay inay ilaalo ka hayeen soohdin-beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Inta la xaqiijiyey, ugu yaraan 2 askari oo Kenyaati ah ayaa qaraxaasi ku geeriyooday, halka askari kalena uu soo gaaray dhaawac garaab ah.
Gobolka Gaarisa oo isna mida dhulka ay xoogga ku haysato Kenya, waxaa ka dhacay qarax xooggan oo jihaadiyiintu ay la beegsadeen ciidamada Kenya.
Askartan Kenyaanka ah ayaa lala beegsaday qaraxa xilli ay ku socdaalaeen inta u dhexeysa magaalooyinka Gaarisa Iyo Dhadhaaab.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya iyo gubashada gaari ay wateen oo LandCruiser ah.
Gobolka Baay, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay dagaal ulus oo xoogagga Al-Shabaab ay ku mireen xerada maleeshiyaadka Calool-uusta ee Ceel-mashruuc ee degmada Qansaxdheere.
Sidoo kale Mujaahidiintuwaxay maanta weerareen isbaaro maleeshiyaadka Laftagareen u taalla xaafadda Suuqa xoolaha ee magaalada Baydhabo.
Warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka ku sugnaa isbaaradaasi.