Wararka ka imaanaya wadanka Maali ayaa sheegaya in shil dooni oo khasaare lixaad leh geystay uu ka dhacay webiga Niger ee waqooyiga dalkaas, kadib markii ay qaraqantey doon ay saarnaayeen dad rakaab ah.
Shilka ayaa yimid kadib markii doonidu ku dhacdey dhagaxaan webiga dhix yiilay, taas oo keentay in ay dilaacdo, islamarkaana ay maashoobaan qaar badan oo ka mid ah dadkii saaranaa.
Doonta shilka gashey ayaa siday dad ay ku jiraan beeraley, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 38, halka ay ka badbaadeen 23 kale.
Shilka ayaa dhacey xilli habeen ah, iyadoo kabtanka doonta lagu eedeeyay mas’uuliyad darro, isagoo ku dhaga adeegay in uu doonida kaxeeyo xilli habeen ah, islamarkaana uu ku adkeytey in uusan waaberiga sugi karin.
Dhacdadan oo dhacdey isbuucii lasoo dhaafey ayaa dhalisay hadal hayn ballaaran, waxaana weli socda tirakoobka rasmiga ee khasaaraha ka dhashay doonida shilka gashey.
FAAFREEB PRO