Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay inuu joojinayo Xaaladda Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah ee loo yaqaanno (TPS) ee la siin jiray dadka kasoo hayaamay deegaannada Soomaalida, taas oo u fududaynaysa in kumannaan qof laga soo tarxiilo dalka Mareykanka.
Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka haweenayda lagu magacaabo Kristi Noem (Kiristi Nowm) oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in xaaladda Soomaaliya ay hagaagtay, isla markaana aanay haatan buuxinayn shuruudihii Soomaalida lagu siin jiray nidaamka TPS.
Go’aankan oo u muuqda mid uu maamulka Washington marmarsiiyo uga dhiganayo tarxiilka Soomaali badan oo ku nool Maraykanka, ayaa kusoo aadaya xilli Trump si cad u sheegay inuusan rabin in Soomaalidu ay soo galaann dalka Mareykanka.
Nidaamkan Ilaalinta Ku-meel-gaarka ah ee TPS, ayay dhicistiisu ay ku astaysan tahay 17-ka Maarso. Wixii muddadaas ka dambeeyana waxay ka dhigan tahay in qofkasta oo barnaamijkani khuseeyo uu Maraykanka ka bixi doono, haddii aanu helin wax aqoonsiya oo kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ee gobolka Minnesota, oo dacweeyey Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka, ayuu Donald Trump uu si adag uga hor-yimid, isagoo wacad ku maray inuu qaadayo aargudasho ka dhan ah mas’uuliyiintii haweenaydan ashkateeyey.
Trump waxa uu cambaareeyay hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota wuxuuna sheegay in saraakiisha Socdaalka iyo Kastamka ee ICE ay doonayaan in gobolka ay ka saaraan wax uu ku sheegay dembiilayaasha halista ah oo uu ka wado dadka Soomaalida ah.
Si kastaba ha ahaatee, xaalka Soomaalida ku nool gudaha Maraykanka ayaa sii cakirmaya, tan iyo intii uu Donald Trump la wareegay talada dalkaasi, isla markaana uu qaaday tallaabooyin uu ku beegsanayo dadka Soomaalida ah isagoo ku tilmaamay inay yihiin qashin aan mudnayn inay sii joogaan dalka Maraykanka.