Itoobiya oo Kooxda Gurguurte ugu Baaqday Inay Joojiso Go’aanada ka Dhanka ah Imaaraatka Carabta.

Jan 13, 2026

Safar waqti kooban qaatay oo magaalada Muqdisho uu ku yimid taliyaha Sirdoonka Itoobiya Ridwan Xuseen ayaa digniin loogu diray kooxda ridada ee Xasan Gurguurte.

Safarka Taliyaha Sirdoonka Itoobiya ayaa ahaa ujeedadiisa inuu Xasan Gurguurte ku wareejiyo fariin uu ka siday Abiy Axmed R/Wasaaraha Kooxda ridada Soomaaliya taasoo kusocotay Xasan Gurguurte.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Ridwan Xuseen ayaa shir saacad qaatay la yeeshay Xasan Gurguurte, isagoona gaarsiiyey inuu fuliyo fariinta ka timid Abiy Axmed.

Fariinta Abiy Axmed ayaa la sheegay inay ugu baaqaysay kooxda ridada ee Xasan Gurguurte inay hoos u dhigaan xiisada Imaaraatka kala dhaxeyso, islamarkaana ay u diyaar garowbaan wadahadal dhexmara labada dhinac.

Fariinta Abiy ayaa sidoo kale la sheegay inay raacsaneed in haddii Gurguurte diido in xiisada la xaliyo ay dowladda Itoobiya ay si rasmi ah ula safan doonto Imaaraatka oo ay xaliif la tahay.

Wararka ayaa sheegaya inuu Xasan Gurguurte aqbalay fariinta digniinta ah ee uga timid Abiy Axmed R/Wasaaraha dowladda Itoobiya.

Waxaa saacadihii lasoo dhaaday cirka isku shareeray xiisada u dhaxeeysa Imaaraatka iyo kooxda ridada Soomaaliya taasoo ka dhalatay kadib markii kooxda ridada Soomaaliya ay sheegtay inay ka laabatay dhammaaba heshiisyaddii ay kula jiray Imaaraatka Carabta.