(WARBIXIN) Kooxda Gurguurte oo Burisay Heshiisyadii ay Kula Jirtay Imaaraadka Carabta.

Jan 13, 2026

Shir ay yeesheen golaha Wasiiradda kooxda ridada Soomaaliya ayaa looga hadlay khilaafka soo kala dhexgalay kooxda ridada Soomaaliya iyo dowladda Imaaraatka Carabta.

Golaha Wasiiradda ridada ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in kooxda ridada Soomaaliya ay burisay dhammaanba heshiisyaddii ay kula jireen dowladda ridada ee Imaaraatka Carabta.

Kooxda ridada Soomaaliya ayaa bayaankeeda ku sheegtay in Imaaraatka uu kaalin kulahaa Aqoonsiga Yahuuda ee maamulka ridada ee Somaliland.

Burinta ay kooxda ridada ku dhawaaqday inay ku sameysay heshiisyaddii Imaaraatka ayaa waxaa qeyb ka ah Dekadaha Boosaaso, Berbara, iyo Kismaayo oo Imaaraatka uu gacanta ku hayo, islamarkaana uu maamulo.

Sidoo kale kooxda ridada ayaa sheegtay inay burisay heshiiyaddii Amni ee ay kula jirtay dowladda Imaaraatka kaasoo Imaaraatka uu ku bixin jitay dhaqaallo fara badan.

Wasiirka Warfaafinta ridada ayaa sharaxaya qodobada kasoo baxay shirka golaha Wasiiradda Kooxda ridada Soomaaliya.

Hadaba lama oga sida uu ku suuragali doono burinta kooxda ridada ay ku burisay heshiisyaddii ay kula jirtay Imaaraatka, iyadoona la ogeen sida Imaaraatka u dhaqan galin karo, xilli uu Imaaraatka joogitaan buuxda ku joogo deegaanada Somaliland, iyo Puntland, iyo Jubbaland.

Horaantii sanadkii 2018-kii ayey ahayd markii dowladdii ridada ee Farmaajo sidaan oo kale ay xiriirka ugu jartay Imaaraatka taasoo Imaaraatka dhag-jalaq usiin, islamarkaana sii watay shirqoolada uu kawaday gudaha Soomaaliya

aar ka mida maamul-goboleedyada Riddada Soomaaliya ayaa si adag uga hor-yimid go’aankii ka dhanka ahaa dawladda Riddada Imaaraadka Carabta ee ay soo saartay kooxda Villa Somaliya ee gar-wadeenka uu ka yahay murtad Xasan Sheekh Maxamuud.

Maamul-goboleedyada ashahaado-la-dirirka Somaliland, Puntland iyo Jubbaland oo isla markiiba soo saaray war-saxaafadeedyo ay kaga soo hor-jeedaan arrintan, ayaa muujiyey in tallaabada lagu cayriyey Imaaraadku aanay ahayn mid khuseysa deggaannada ay ka arrimiyaan.

Puntland ayaa go’aanka kooxda Gurguurte ku tilmaantay mid waxba-kama-jiraan ah oo marnaba aan wax saamayn ah ku yeelan doonin xiriirka ka dhexeeya maamullada Garoowe iyo Abu Dubay.

Jubbaland oo sidoo kale iyaduna muujisay diidmo xooggan, ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid lagu qarinayo fashilka dul-hoganaya murtada Gurguurte iyo kooxdiisa.

Waxa kale oo ay ka sanqarisay in ay sidoodii ay u sii socon doonaan heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka Carabta. Isla markaana aanay jirin cid wax-k-beddel ama burin ku samayn karta oo aan ka ahayn maamulka Kismaayo.

Maamulka gaallo-raaca Somaliland ayaa isna daadafeeyey tallaabadan oo uu ku sifeeyey sheegashooyin waxba-kama-jiraan ah.

Waxa uu ka dhawaajiyey in kooxda Villa Somaliya aanay awood u lahayn burinta heshiiska dekedda Berbera ee ay kula jiraan Imaaraadka Carabta.

Maamulka murtad Ciro waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dhammaan heshiisyada u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadku ay yihiin wax uu ku tilmaamay heshiisyo sharciya oo taabbo-gal ah.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada ay kooxda Villa Somaliya ku cayrisay maamulka Riddada Abu Dubay ayaa loo badinayaa inuu uga sii daro xaalkii horey u liitay ee kooxaha riddada Soomaaliya, xilli mujaahidiintuna ay dar-dar xooggan geliyeen hawl-galladooda, isla markaana deggaann hor leh ay ku fidinayaan ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.