Dowladda Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa xaqiijisay in ay taageersan tahay damaca badeed ee Itoobiya, waxaanay soo jeedisay in hir-gelinta tallaabadaasi lagu saleeyo wax ay ku sheegtay xeerarka caalamiga ah ee urur-gaalledka Qaramada Midoobay.
Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi oo maalmo ka hor booqasho ku tagay Addis Ababa lana kulmay R/Wasaare Abiy Axmed ayaa isaga iyo dhiggiisa Itoobiya ay soo saareen bayaan wada-jir ah oo ay ku xoojiyeen damaca gurracan ee bad-raadiska Itoobiya.
Bayaankan oo soo baxay jimcihii lasoo dhaafay, ayuu wasiirka Shiinuhu ku dhiir-geliyey Itoobiya sidii ay ku heli lahayd marin-badeed waxaanu soo jeediyey in dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa gobolku ay yeeshaan wada-shaqayn saad iyo is-dhex-gal bulsho.
Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay inay ayyidsan tahay mabda’a Shiinaha ee ah in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha, isla markaana ay kasoo hor-jeeddo dhammaan dadaallada gooni-isu-taagga ee uu ku dhawaaqay maamulka Taiwan.
War-saxaafadeedkan laguma soo hadal-qaadin arrinta Somaliland, waxaanu kusoo aadayaa xilli Shiinuhu ka mid ahaa dalalkii cambaareeyay aqoonsiga Yahuuddu siisay maamulka Hargeysa, halka Itoobiya ay weli ka aamusan tahay oo ilaa hadda mowqifkeeda aanay caddayn.