Wargeyska ADF: La-wareegista Muqdisho ee Al-Shabaab waa mid Waqti uun ah. [WARBIXIN]

Jan 12, 2026

Africa Defense Forum (ADF Magazine) waa wargeys ciidan iyo amni oo uu soo saaro AFRICOM oo ah taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika, ayaa soo bandhigay warbixin uu cinwaan uga dhigay “la-wareegista Muqdisho ee Al-Shabaab waxay noqon kartaa arrin waqti uun ah”.

Wargeysku wuxuu xusay in xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku hareeraysan yihiin caasimadda Muqdisho, qarkana u saaran yihiin inay la wareegaan, maadaama ayuu yiri weerarro joogto ah ay ka fuliyaan gudaha iyo agagaarka magaalada.

Waxa uu tusaale u soo qaatay hawl-galkii mujaahidiintu ay 04-October-2025 ku bartilmaameedsadeen Godka Jilicow oo ah xarunta ugu weyn ee sirdoonka ridada NISA ay ku leeyihiin Muqdisho, waxaanu sheegay in weerarkaasi lagu burburiyay xog muhiim ah laguna sii daayay maxaabiis badan.

ADF Magazine waxa uu hoosta ka xariiqay in weerarkii Godka Jilicow aanu ahayn mid caadi ah, isagoo tilmaamay in xaruntaasi ay ku taallo goob xasaasiya oo u dhow madaxtooyada, waxa kale oo ay warbixintu carrabowday in mujaahidiintu ay bishii Luulyo ee 2025 weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Muqdisho.

“Al-Shabaab waxay hadda ku leedahay kontoroolo jidgooyooyin ah oo ku wareegsan duleedka Muqdisho, waxayna gacanta ku haysaa ku dhawaad 30% dhulka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska Africa Defense Forum.

Matt Bryden oo ah falanqeeye ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga Afrika oo wargeysku uu soo xigtay ayaa shaaciyey in haatan Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho ay ku sugan yihiin safiirro iyo ciidan rajo-beel ah oo niyad-jabnsan oo aan waxba tarayn.

Xogta oo sii amba-qaadaysa xaaladda quusta ah ayaa xustay in taliyaha ugu sarreeya maleeshiyaadka Gurguurte Jen. Odowaa Yuusuf Raage uu dhawaan u sheegay Baarlamaanka in 10,000 ilaa 15,000 askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalladii lala galay mujaahidiinta Al-Shabaab 3-dii sano ee lasoo dhaafay.

“Xaaladaha dhow ee dhici kara waxaa ka mid noqon kara burburka dowladda ridada iyo qabsashada Muqdisho ee Al-Shabaab,…” ayuu qoray Bryden, oo dhanka kalena ah aasaasaha xarunta siyaasadda iyo cilmi-baarista ee Sahan oo diiradda saarta arrimaha amniga Geeska Afrika.

ADF Magazine, waxa uu hoosta ka xariiqay in tabar-darrada maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ay sababtay in had iyo goor ay miciin-bidaan ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye ee isugu jira kuwa Reer-galbeedka iyo calooshood-u-shaqaystayaasha Midowga Afrika.

Bryden, waxa uu ka dhawaajiyey in faragelinta Soomaaliya aan laga dheefin isla markaana duullaankan diin-la-dirirka ah uu noqday mid tabar yar, oo lumiyey taageerada deeq-bixiyeyaasha, kaas oo qarka u saaran ayuu yiri in gebi ahaanbtiisba la joojiyo.

“Qabsashada Muqdisho ee Al-Shabaab waxay horeyba u noqon kartaa arrin waqti uun ah, waayo waqtigan tallaabooyinkii yididiillada iyo rajadaha ahaa waa soo dhammaadeen…” ayuu wargeysku kasoo xigtay falanqeeye Matt Bryden.

Warbixintan oo wargeysku daabacay bartamaha usbuucii hore ayaa kusoo aadaysa xilli ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab ay kordhiyeen hawl-galladooda jihaadiga ah isla markaana ay la wareegeen deggaanno fara badan kuna soo dabbaaleen ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.