Waaxda arrimaha dibadda dowladda saliibiyadda Maraykanka, ayaa warbixin ay soo saartay uga digtay muwaadiniinta u dhashay waddankaasi inay u safraan 20 dal oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo ay sheegtay inay ka jiraan khataro amni oo aad u xooggan.
Digniinta dhanka socdaalka ah oo kusoo baxday darajada ugu sarraysa ee heerka 4-aad ee “Ha Safrin” ayaa si gaar ah ugu socota dalalkan 20 ka ah oo ay Soomaaliya ku jirto, waxaana uu Maraykanku muwaadiniintiisa u sheegay in dalalkaasi kala kulmi karaan xaalado halis gelin kara naftooda.
Digniintan cusub ee kasoo baxay Maraykanka ayaa kusoo beegmaysa xilli digniin hore uga soo baxday isla waaxdan muwaadiniinteeda ay ugu baaqday inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxaan dalalkaasi, sababo amni darro darteed.
Marka la eego heerka digniintan cusub kusoo baxday oo ah tan ugu sarreeysa nidaamka ilaa 4-heer oo ay kusoo baxdo digniinaha safarka ee ay soo saarto wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, ayaa lagu dabaqaa xaalado ay ka mid yihiin khataro ay nafta ku waayi karaan dadka Ameerikaanka ah, sidoo kalena loogu sheegay inay xaddidan tahay ciwaamaad ay dadkaasi ka heli karaan safaaradaha dalalka ay ku suganyihiin.