Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Kadiye Maxamuud Cabdi Dhicisow.
Dilka ayaa yimid kadib markii kooxo hubeysan weerar ku qaadeen mehrad ganacsi oo ku taalla duleedka magaalada Cape Town taasoo uu lahaa ganacsadahaan.
Burcada dilka geysatay ayaa iska cararay goobta ay ku dileen ganacsadaha Soomaaliga, iyadoona goobtaasi ay soo gaareen booliska dalkaasi.
Booliska ayaa sameeyey baaritaano ku aadan dilka loo geystay Soomaaligaan, balse ma shaacin natiijada baaritaankooda.
Dilkaan loo geystay ganacsadahaan Soomaliga ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee dhaca sanadkaan cusub ee 2026-ka, iyadoona sanadihii lasoo dhaafay ay dalkaasi joogto ka noqdeen dilalka Soomaalida loo geysanayo