Dowlado ay Kamid Tahay Itoobiya oo la Sheegay in ay Aqoonsan Doonaan Somaliland.

Jan 7, 2026

Maalin kadib markii uu wasiirka arrimaha dibadda Kiyaanka Sahuuniga ah uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka Soomaaliya, isagoo ay wehliyaan ciidamo iyo diyaarado dagaal ayay soo baxayaan warar sheegaya in dowlado hor leh, ay aqoonsi siin doonaan maamulka isku magacaabay Somaliland.

Mas’uul American ah ayaa sheegay in aqoonsiga ay Yahuuddu u fidisay maamulka Somaliland uu lajaan qaadayo masaalixda amni ee Mareykanku ka leeyahay geeska afrika iyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Senator Teed Kuruus oo katirsan baarlamaanka Mareykanka, ayaa tallaabada ay qaadday Yahuuddu ku sifeeyay mid hore looqaaday, isagoo ugu baaqay in maamulka Trump uu il gaar ah ku eego maamulka Riddada Somaliland.

Dhinaca kale, illaa sedax dowladood ayaa la saadaalinayaa in ay aqoonsi buuxo siin doonaan maamulka ashahaadda ladirirka ee Somaliland.

Mas’uuliyiin iyo diblumaasiyiin ku sugan mandiqadda geeska Afrika ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in dhowr dowladood ay qaadan doonaan mowqif la mid ah midka Yahuudda, ayna aqoonsan doonaan Somaliland.

Dowladaha la filayo in ay maamulka Hargeysa u aqoonsadaan dowlad madax banaan waxaa kamid ah dowladda Xabashida Itoobiya, Hindiya iyo Imaaraatka Carabta.

Inkastoo Hindiya ay beenisay in ay isku diyaarinayso ictiraafka maamulka Somaliland, hadane falanqeeyaal ayaa aaminsan in Hindiya ay aqoonsan doonto maamulka Somaliland, iyadoo la loollamaysa dowladda shiinaha, maadaama ay isku hayaan dhaqaalaha geeska Afrika.

Dhammaan dowladahan la tuhunsanyahay in ay aqoonsan doonaan maamulka Somaliland, ayaaney ka hadal islamarkaana ka aamusay tallaabadii uu qaaday maamulka Yahuudda.