Maleeshiyada Gurguurte oo Shacab Dhul-boobka ka Hor-yimid ku Laayay Muqdisho.

Jan 7, 2026

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ay laayeen dad shacab ah oo ka hor-yimid dhul-boobka ka socda gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 12 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday rasaas culus oo maleeshiyaadka Riddada ee difaaca dhul boobka loo hubeeyay ay ku fureen shacabka degmada Dayniile oo ka gadooday burburin guryahooda lagu bilaabay.

Is-hortaag ayay dadweynuhu ku sameeyeen cagaf uu Gurguurte u adeegsado barakicinta shacabka, taas oo Talaadadii shalay hawl-gal burburin ah ka bilawday xaafadda War-laliska ee degmada Dayniile.

Dadka xaafadda oo u warramay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka murtad Xasan Sheekh Maxamuud ay dileen ugu yaraan 3 qof oo shacab ah, halka qaar ay dhimashadu gaarsiinayaan afar ilaa shan qof iyo dhaawac dad shacab ah oo ku dhow 10 xubnood.

Muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshad, ayaa muujinaya dadweynaha oo bannaanbaxyo ka dhan ah burburinta iyo xasuuqa ka sameeyay goobta, waxay sidoo kale dadka rayidka ah daad-guraynayeen shacab dhimasho iyo dhaawac ku noqday rasaas ay si bareer ah u ridayeen maleeshiyada madaxa kooxda Riddada.

Maleeshiyaadkan oo aad u tiro badan ayaa la sheegay in shacabka ku nool xaafadda Warlaliska ay ku amreen in 30 daqiiqo gudahood ay kaga guuraan guryahooda, taas oo fajaciso ku noqotay rayidka.

Murtad Gurguurte ayaa si weyn ugu mashquulsan dhul-boobka uu ka wado Muqdisho, waxaanay dhacdadani kusoo aadaysaa iyadoo kala-qaybin xooggan ay ka socoto dalka, isla markana wefti Sahaayino ah ay shaly gaareen magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya.