Maleeshiyaadka Xasan Gurguurte oo Wiil Dhalinyaro ah ku Dilay Magaalada Muqdisho.

Jan 5, 2026

Dilalka bareerka ah ee ay ku kacayaan maleeshiyaadka murtadiinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho waxay noqdeen kuwa joogta ah, maalmo ka hor gudaha magaalada caasimadda ah waxaa ka dhacay fal dil ah oo askari murtad ah uu kula kacay wiil dhalinyaro ah.

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay degmada Waaberi ayuu askari murtad ah u gaystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Abuukar, askariga ayaa lasoo wariyay in uu si bareer ah u dilay wiilkaasi.

Ehellada wiilka oo warbaahinta la hadlayay waxay sheegeen in wiilkooda uu si islaweyni ku jirto u dilay askari ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta, muddo saddex cisho ayay sheegeen in ay maydkiisa tallaagad ku hayeen, markii cid cabashadooda dhagaysata ay waayeenna ay aasteen.

Waa kuwan qaar ka mid ah ehellada iyo asxaabta wiilka dhalinyarada ah ee uu dilay askari ka tirsan maleeshiyada Riddada.

Dhacdooyinka dilalka ah ee ay ku kacayaan maleeshiyaadka murtadiinta ah ayaa si joogta ah uga dhaca Muqdisho, waxayna badanaa maleeshiyadaasi dadka rayidka ah u dilaan lacago baad ah, halka kuwa kalena ay sabab la’aan u dilaan dadka shacabka ah.