Dhagayso: Wilaayada Baay oo ka Warbixisay Weerarkii Fashilmey ee Maraykanku ku Qaaday Buulo-fulaay.

Jan 3, 2026

Ciidanka mujaahidiintu waxay fashiliyeen weerar habeen-dheelmad ah oo saliibiyiinta Maraykanka iyo murtazaqada uu ku adeegto ee murtadiinta ah ku qaadeen degmada Buulo-fulaay ee wilaayada islaamiga Baay, ciidanka huwanta ah oo watay diyaarado dagaal ayaa magaalada kasoo galay dhanka Bari, waxayna doonayeen inay gudaha usoo galaan magaalada Balse ciidamada mujaahidiinta ayaa dagaal kala hortagay oo fashiliyay damacooda.

Dad shacab ah ayaa ku shahiiday weerarka habeen-dheelmadka ah, halka kuwa kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen, dadka shahiiday waxay qaarkood xabadda cadowgu ugu tagtay guryahooda, halka qaarna ay si bareer ah u toogteen cadowgu, idaacadda islaamiga Al-andalus ayaa waraysiyo la yeelatay ehellada dadka rayidka ah ee ay dhibaateeyeen saliibiyiintu.

Hadaba Sheekh Xamze Abuu Jacfar oo ah waaliga wilaayada Baay oo la hadley idaacada Islaamiga ah ee Al-Andalus ayaa ka warbixiyay weerarkii fashilmey ee xaley uu Maraykanku ku qaadey degmada Buula-fulaay ee Baay.

Halkan Ka Dhagayso Wareysiga Waaliga.