Mujaahidiinta oo Weerar Cagmarin ah Kula Wareegay Deegaanka Wargaadhi.

Jan 2, 2026

Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar culus oo cagmarin ah kaddib la wareegay gacan ku haynta deegaanka Wargaadhi ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo talis u ahayd maleeshiyaadka murtadiinta.

Mujaahidiintu waxay xaqiijiyeen in weerar xasmin ah kaddib deegaanka muhiimka ah ee Wargaadhi uu kusoo dhacay gacanta mujaahidiinta, waxayna mujaahidiintu weerarkan cagta ku mariyeen saldhigyo maleeshiyaadka murtadiinta ah halkaas kulahaayeen.

Waxaa jira khasaare baaxad leh oo maleeshiyaadka murtadiinta lagu gaarsiiyay weerarka cagmarinta ah, haddaba la soco wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha howlgalkan barakaysan ee lagula wareegay Wargaadhi.