Taliyihii Hore ee Sirdoonka Somaliland oo Daah Feyday Arrimo la Xiriira Ictiraafka ay Yuhuuda ka Heleen.

Jan 1, 2026

Taliyihii hore ee Sirdoonka maamulka Somaliland ayaa daaha ka feyday arrimo ku qotomo aqoonsigii ay ka heleen Yahuudda Sahyuuniyadda ah.

Maamulka Ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedooyinka qarsoon ee ay xiriirka iyo iskaashiga ula sameysteen maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda.

Mustafa Xasan oo soo noqday taliyaha sirdoonka maamulka Somaliland ayaa warbaahinta gaalada usheegay in aqoonsiga ay ka heleen Sahaayinada uu ku dhisanyahay arrin sirdoon iyo masaalix gebi ahaanteed ka shaqenaysa adkeynta ammaanka reergalbeedka iyo Yahuudda.

Mas’uulkan horay uga tirsanaa maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ayaa carrabaabay in Somaliland uu Yahuudda kala shaqeynayo ka hortagga weerarada xuuthiyiinta

Tan iyo markii uu R/wasaaraha Yahuudda jimcihii lasoo dhaafay iclaamiyay iuu dowlad madax banaan u aqoonsaday maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland ayay isasoo tarayeen xogaha ku saabsaban waxa xilligan kusoo beegay iyo ujeedka ka dambeeya