Maamulka Gumeystaha oo Qorsheynaya in uu Saldhig Cirka ah ka Samaysto Waqooyiga Somalia.

Dec 30, 2025

Warbaahinta ugu afka dheer Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa sare uqaadday diirad saaridda aqoonsigii ay is dhaafsadeen maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland ee ka dhisan gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Wargeyska Afka Cibriga ku hadla ee Macaariif ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in aqoonsiga Netanyaahu uusan aheyn mid ku yimid laab-lakac ah balse uu ku yimid daraaseyn dheer iyo ka baaraandegid.

Wuxuu carrabaabay in taliyaha ugu sarreeya sirdoonka Mossaadka uu muddo dheer dhiraandhirinayay in maamulka Somaliland xiriir lala sameysto, Macaariif ayaa warbixintiisa ku dhidbay in aqoonsiga Yahuudda ee maamulka Somaliland uusan aheyn Hadiyad lasiiyay Cabdiraxmaan Cirro balse uu yahay mid Sahaayinadu ku bedelanayso saldhig badeed.

“Aqoonsiga lasiiyay jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Israa’iil siinayaa Istiraatiijiyad qota dheer wuxuuna ciidanka cirka helayaa meel uu ka weeraro Iiraan iyo Yemen”ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay wargeyska afka Cirbiga ku hadla ee Macaariif.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in heshiiska dhaxmaray labada dhinac ee Sahaayinada iyo Somaliland ay wax ka gardaadisay dowladda Ridada Imaaraadka Carabta oo labada dhinac laleh cilaaqaad ashahaadda ladirirnimo.