Warsaxaafadeed kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa si kulul loogu dhaleeceeyay aqoonsigii uu Kiyaanka Sahyuuniga ah siiyay maamulka Riddada ah ee Somaliland ee ka arrimiya waqooyiga dalka Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Imaarada Islaamiga ah ayaa falkaas ku tilmaamtay mid gardarra ah oo Sahaayinadu ay ku kala qeybinayaan dhulalka shacabka Soomaaliyeed.
“Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay dhaleecaynaysaa tallaabada uu nidaamka Sahyuuniga ah dowlad madax banaan ugu aqoonsaday maamulka Somaliland waana mid sharci darro ah oo aan la aqbali karin” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Xukuumadda Islaamiga Kaabuul ayaa hoosta ka xarriiqday in dalka Soomaaliya uu yahay hal dal oo qura islamarkaana aan la aqbali karin in dadkiiisa iyo dhulkiisa la kala qaybiyo.
“in beled islaami ah lakala qeybiyo waa xad gudub weyn oo aan marnaba la aqbali karin”ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah kaasi oo lagu dhaleeceeyay aqoonsigii uu maamulka Yahuudda siiyay Somaliland oo ah maamul fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.
Jimcihii lasoo dhaafay ayuu Netenyaahu R/wasaaraha Yahuudda iclaamiyay in uu dowlad madax banaan u aqoonsaday maamulka dabadhilifka ah ee Somaliland arrinkaas oo dhaliyay falcelinno caalami ah iyo mid maxalli ah.