Khilaaf Xooggan oo ka Dhex Curtay Siyaasiyiinta Waqooyi iyo kooxda Gurguurte.

Dec 29, 2025

Waxaa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo ka dhex curtay madaxda kooxda Riddada Soomaaliya iyo xildhibaanada kooxdan kasoo galay dhanka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, kaddib markii Yahuuddu shaacisay in ay dal madax bannaan u aqoonsatay maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in madaxa kooxda Riddada uu xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada dhanka maamulka Somaliland ka yimid, isagoo kala hadlay arrinta aqoonsiga iyo tallaabooyin ay tahay inay ku taageeraan in uu qaado.

Murtad Xassan Gurguurte oo xildhibaannada u sheegay in uu Cabdiraxmaan Cirro ka baxay ballamo iyo arrimo ay isku ogaayeen ayay ilo wareedyadu sheegayaan in uu xubnahaasi ku handaday inaysan aamusnaan karin oo ay tahay inay hadlaan, waxaana durba soo shaac baxay inuu iscasilay xildhibaan ka tirsan kooxdaasi oo lagu magacaabo Cismaan Dubbe oo isagu ka maqan Muqdisho.

Murtad Cabdi Xaashi oo ah guddoomiyaha waxay ugu yeeraan aqalka sare ee baarlamaanka kooxda Riddada ayaa isagana shaley iska diiday in uu xaadiro kulan ay lahaayeen xildhibaannada labada aqal ee dawaaqiidda Riddada, taas oo muujinayso khilaafka culus ee ka dhex jira kooxda Gurguurte iyo xubnaha kooxdaasi kasoo gala dhanka maamul goboleedka Riddada Somaliland.

Xubno kale ayaa iyaguna qorsheynaya inay is casilaad ku dhawaaqaan sida ay ilo wareedyo sheegayaan, wallow ilaa hadda la ogyahay in uu iscasilaad rasmi ah ku dhawaaqay senator Cisman Dubbe.

Murtad Dubbe ayaa waraysiyo uu bixiyay ku tilmaamay in arrimaha keenay is casilaaddiisa qayb ka tahay aqoonsiga Yahuuddu siisay maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa, isaga oo sheegay in marka hore ay Muqdisho u joogeen in aqoonsiga uu halkaas ku xiran yahay, balse hadda uu meel kale ka yimid.

Madaxa kooxda Riddada murtad Gurguurte ayuu u jeediyay eedaymo culus oo ay ka mid yihiin in uu dhibaatooyin badan u gaystay dadka ku dhaqan deegaannada uu ka yimid, talada kooxdana uu isku soo koobay oo musuq xooggan uu ka dhex jiro kooxdaasi.

Dhanka kale, isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu ka shanqariyay inaysan jirin doorasho dhici doonta dhowaan, marka ay ugu dhowdahay na qorshuhu ahaa in doorashada la qabto 2028-ka sida uu hadalka u dhigay, taasoo muujinaysa qorshaha ay ka digayeen mucaaradka oo ahaa muddo kororsi.

Khilaafka cusub ee ka dhex qarxay siyaasiyiinta ka yimid dhanka maamulka ashahaada la dirirka ee Somaliland iyo madaxa kooxda Riddada ayaa yimid kadib markii maamulka Yahuudda uu ku dhawaaqay in dal madax bannaan u aqoonsaday maamul goboleedka uu fadhigiisu yahay gobollada waqooyiga ee Soomaaliya, khilaafka labada dhinac ayaa la saadaalinayaa in uu keeno xubno kale oo ka bixi kara garabka Xassan Gurguurte.