Diblumaasiyiin Yahuud ah oo Sheegay in ay si Adag u Difaacayaan Aqoonsiga Somaliland.

Dec 28, 2025

Sedax maalmood kadib markii uu nidaamka gummeysiga Yahuudda dal madax banaan u aqoonsaday maamulka ashahaadda ladirirka ah ee Somaliland ayay soo baxayaan warar sheegaya in kiiskan ay furtay Yahuuddu uu meel hor leh ku faafi doono.

Safiirka Yahuudda ufadhiya xarunta waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ayaa sheegay in ay si adag udifaaci doonaan go’aankii Netenyaahu ee ahaa in dal madax banaan uu u aqoonsaday maamulka Somaliland.

Sahyuuniga Danny Danon ayaa bartiisa Twitterka ku caddeeyay in golaha ammaanka ay ka hor caddeynayaan wax uu ugu yeeray sharci ahaanshiyaha aqoonsiga Somaliland wuxuuna iska dhega tiray diidmada ka timid dowlado dhowr ah.

Sarkaal kale oo Yahuudi ah ayaa isna ugu baaqay Netenyaahu in uu soo dedejiyo hubaynta maamulka isku magacaabay Somaliland si uu isaga difaaco wax uu ugu yeeray khataraha ku hareeraysan.

Dhinaca kale Safiirka dowladda saliibiyadda Mareykanka ufadhiya xarunta Q.Midoobay ayaa ku jees-jeesay kooxda Ridada Soomaaliya isagoo muujiyay in uusan wax aqoonsi ah uheynin.

Mike Walts ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kooxda Riddada aysan aheyn dowlad sugi karta amnigeeda wuxuuna si duurxul ah ugu sheegay waxa loogu yeero Q.Midoobay in aan bisha soo socota loodhiibin xilka madaxtinimada meertada ah.

Muhannad mustafa oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Yahuudda ayaa sheegaya in Sahaayinadu ay leeyihiin halku dhig istiraatiijiyadeed oo caan ah kaasoo kudhisan fidinta awoodda,qabsashada marin biyoodyada muhiimka ah iyo in ay jabhad ku furto kooxaha xuutihiyiinta ee Yemen ku xiran islamarkaan ay doonayso in dhammaan khusuumteeda ay albaabada kasoo xirto, isagoo sababta ay u aqoonsatahay somaliland ku sifeeyay in ay qeyb ka tahay fulinta ajandayaasheeda muhiimka ah.