Maamulka Yahuudda oo Dowlad Gooniya u Aqoonsaday Maamulka Ridada Somaliland.

Dec 26, 2025

R/Wasaaraha maamulka sahaayinada Benjamin Netanyahu ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale u aqoonsadeen maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.

Xafiiska RW Yahuudda ayaa si rasmiya u shaaciyey bayaan lagu sheegay in Netanyahu iyo Sa’ar oo ah wasiirkiisa Arrimaha dibadda, iyo sidoo kale Murtad C/Raxmaan-Cirro ay si wada-jir ah qalinka ugu duugeen heshiiska Abraham.

Heshiiskan oo lagu sheegay is-afgarad ayaa lagu saxiixay hindisaha Donald Trump, kaas oo bud-dhige ka ahaa heshiiskan oo qorshihiisu yahay in lagu caadiyeeyo xiriirka Yahuuddda iyo Muslimiinta.

Netanyahu ayaa hambalyo u diray C/Raxmaan-Cirro, waxaana sida lagu sheegay bayaanka uu ku casuumay booqasho rasmi ah oo uu ku tago Talaabiib.

Sida lagu xusay bayaanka Cirro ayaa isna dhinkiisa Netanyahu uga mahad-celiyey aqoonsiga Somaliland, waxaanu ku tilmaamay guul laga gaaray wax uu ugu yeeray la-dagaallanka argagaixisada.

RW Netanyahu ayaa wasiirkiisa Arrimaha dibadda Sa’ar, Madaxa Mossad David Barnea iyo hay’adda Mossad lafteedaba ku ammaanay doorkii ay ka qaateen arrinta aqoonsiga Somaliland.

Bayaanka waxa lagu sheegay in Yahuuddu ay si deg-deg ah u ballaarinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, siina kordhanayso iskaashiga beeraha, caafimaadka, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha.

Geesta kale bayaan lagu soo dhaweeyey tallaabada Yahuudda ayaa kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Somaliland, kaas oo lagu sheegay in kulan fogaal-arag ah uu dhex-maray Cirro iyo Netanyahu, ka hor intaan lagu dhawaaqin go’aankan.

Kulankan ayay Somaliland sheegtay in lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed iyo istaraatiiji isla markaana la isku afgartay bilaabista weji cusub oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Aqoonsigan ayay madaxtooyada Somaliland ku sifaysay bog cusub oo u furmay, oo ku aaddan iskaashi caalami ah, sida amniga, dhaqaalaha iyo waxay ku sheegeen xasiloonida Geeska Afrika.

Dad badan ayaa aad uga fal-celiyey aqoonsiga ay Yahuuddu siisay maamulka Somailland, waxaana ka mida boqor Cismaan Buur-madow oo ka tirsan hoggaanka ugu cad-cad ee dhaqanka Somaliland.

Murtad Buur-madow waxa uu sheegay inuu aad soo dhawaynayo go’aanka Yahuudda, waxaanu reer Somaliland ugu baaqay in wiilashooda ay ugu magac-daraan RW Netanyahu, iyo magacyada madaxda kale ee Yahuudda.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib qorshayaal dhagaraysan oo Sahaayinada iyo Maraykanku ay damacsan yihiin inay kula wareegaan dekedda istaraatiijiga ah ee Berbera, iyagoo halkaasi ka dhiganaya saldhigyo ay kasii joogteeyaan xasuuqqa ay ku hayaan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan reer Falastiin.