Xiisadaha ka aloosan gudaha Itoobiyaa cirka isku sii shareeray, waxaanay wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in hal maalin oo kaliya dhegta dhiigga loo daray ugu yaraan 47 qof, isla markaana in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay gobolka Gambella.
Ilo maxalli ah ayaa u sheegay wargeyska Addis Standard in ugu yaraan 47 qof lagu dilay weerar Arbacadii shalay ka dhacay degmo la dhaho oo ka tirsan gobolkaasi.
Shaqaale caafimaad oo codsaday in aan la magacaabin ayaa wargeyska u sheegay in tiradaasi ku salaysan tahay xog horu-dhac ah, lana filayo in khasaaruhu intan ka badan yahay.
“Waxaan maqlay in 47 qof ay dhinteen,” ayuu yiri, isagoo xusay in qaar ka mid ah dadkaasi ay dhinteen kadib markii lagu gubay guryihii ay ku jireen.
Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay inay daweeyeen in ka badan 100 qof oo isla maalintaasi ku dhaawacmay qulqulatooyinkaasi.
Ilo ay soo xigatay warbaahintu ayaa sheegay in dad badan oo qaba dhaawacyo kala duwan ay awoodi waayeen inay gaaraan xarumaha caafimaadka, sababo amni awgood iyo waddooyinka oo xiran awgood.
“Ma jirto waddo ay ku iman karaan Gambella. Waayo waddooyinka weli weli waa ay xiran yihiin,” ayuu yiri mid ka mida shaqaalaha caafimaadka. Waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaaday xarunta MSF ay ku leedahay xerada qaxootiga ee Kule.
War-saxaafadeed ay soo saartay MSF ayaa lagu sheegay in rabshadaha Gambella uu xooggoodu dhacay saacadihii hore ee shalay, waxaanay ka digtay khasaare hor leh oo ka dhaca deggaannadaasi.
Haween, carruur iyo dad naafo ah ayaa la sheegay inay ka mid yihiin dadka waxyeelladu kasoo gaartay rabshadahan. Waxa kale oo jira guryo la gubay iyo dad fara badan oo la barakiciyey.
Ururka dhakhaatiirta bilaa xudduuda ah waxay sidoo kale ka sanqariyeen in rabashadahan dhiigga badan ku daatay ay si joogta ah u socdeen muddo usbuuc ah.
Waxa kale oo MSF xustay in rabshadao xooggan oo dhacay dabayaaqada usbuucii hore ay qaabileen ku dhawaad 50 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo 14 ka mid ah xaaladdoodu ay cuslayd.
Usbuucaasi gudihiisa waxay MSF sheegtay inay daweysay in ka badan 150 qof oo dhaawacyo kala duwan ay kasoo gaareen rabshadahan xarkaha goostay.
Maamulka Gambella oo ah ismaamul hoos-taga federaalka Itoobiya, ayaa maanta ku dhawaaqay Bandow soconaysa habeenkii oo dhan oo uu kusoo rogay magaalada Gambella iyo deggaannada kale ee xasaraduhu ay ka jiraan.
Sidoo kale, dhammaan dhaqdhaqaaqqa gaadiidka iyo dadka lugaynaya ayaa la mamnuucay laga bilaabo 8:00 fiidnimo ilaa 6:00 subaxnimo. Waxa kale oo dadka shacabka ah laga mamnuucay qaadashada hubka.
Xiisadahan oo u dhaxeeya labada qoomiyadood ee ugu waaweyn gobolkaasi, ayaa sii xoogaystay kadib markii ku dhawaad 10 cisho ka hor dhegta dhiigga loo daray taliyaha booliska ee magaalada Gambella.