Masar oo Qorsheyaal ka Dhan ah Itoobiya ka Wadda Dalalka Eretriya iyo Jabuuti.

Dec 25, 2025

Kadib burburkii ku yimid wada-xaajoodkii khilaafka biyo-xireenka Al-Nahda, dowladda Masar waxay bilawday qorshe ay doonayso inay cadaadis ku saarto dawladda Xabashida Itoobiya, kuna horumariso dekedaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti iyo Eretriya.

Qorshahan cusub ee Masar ayaa ilo-wareedyo ku sugan Qaahira u xaqiijiyeen wargeyska The National oo fadhigiisu yahay Imaaraadka. Waxaanay xogtu tibaaxaysaa inay jiraan heshiisyo qarsoodi ah oo Masar ku ballanqaaday inay ku casriyeyso dekedda Cassab ee Eritiya iyo dekedda Dooraale ee Jabuuti.

Waxa la sheegayaa in Masar ay rabto in marka hore ay ballaariso awoodda dekedahaasi, isla markaana ay u samayso meelo ay ku xiran karaan maraakiibta dagaalka iyo sidoo kale xarumo marti-gelin kara ciidamo tababaran.

Labada dekedoodba waxay ku dhow yihiin marin-biyoodka caalamiga ah ee Baabal-mandab oo ah albaabka koonfureed ee Badda Cas, oo dhanka kalena ah waddo badeed muhiim ah oo isku xira dhulka loogu yeero Bariga dhexe, qaaradaha Aasiya, Yurub iyo Bariga Afrika.

Itoobiya oo si weyn ugu tiirsan dekedda Dooraale, gaar ahaan gaadiidka iyo kala-wareejinta badeecadaha, ayaa muddo dheer waxay kasoo hor-jeedday dedaallo ay dalalka derisku ku rabaan inay joogitaan dhuleed ama ciidan ku yeeshaan Badda Cas.

Ilaha qaar ayaa sheegay in heshiiska Eritriya la dhammeystiray intii lagu jiray booqasho uu Qaahira ku tegay Madaxweyne Isaias Afwerki dabayaaqadii Oktoobar, halka heshiiska Jabuuti si gooni ah ay u wada xaajoodeen saraakiil Masaari iyo Jabuutiyaan ah.

Waxa la sheegay in labada heshiisba ay ka kooban yihiin casriyeyn lagu sameynayo kaabayaasha si loo suurtageliyo in maraakiibta dagaalka ee Masar ay ugu shuban karaan shidaal, isla markaana ay sahay uga heli karaan labada dekedoodba.

Heshiiska Masar iyo Jabuuti waxaa kaloo ku jira hagaajinta waddooyinka iyo kaabayaasha ku xiran dekedda Dooraale, oo maraakiibta uu maamulka Qaahira ugu talo-galay inay ka hawl-galaan ay ka mid yihiin gujisyada, kuwa wax burburiya iyo kuwa xamuulka ee qaada ciidamada iyo diyaaradaha.

“Ilaa hadda heshiisyadu waxay sharciyeeyeen joogitaanka millateriga Masar ee labada dal,” ayuu yiri qof xogogaal ah oo la hadlay The National, isagoo intaas ku daray in maraakiibta dagaalka Masar ay si joogto ah u booqdaan labada dekedood.

Arrintan ayaa timid iyadoo dawladda daba-dhilifka ah ee Masar ay dhawaan shaacisay in gebi ahaanba uu burburay wada-xaajoodkii iyaga iyo Itoobiya u dhaxeeyey ee ku saabsanaa khilaafka biyo-xireenka Al-Nahda oo bilo ka hor si rasmiya Abiy Axmed xarigga uga jaray.