Warbixin arbacadii shalay ay soo saareen khubaro ka tirsan urur-gaalleedaka Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey in khatarta ugu weyn ee ay wajahayaan kooxaha Riddada Soomaaliya iyo dawladda kaafiradda Kenya ay yihiin weerarrada ay fuliyaan Geesiyada Tawxiidka Bariga Afrika ee Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Waxay sheegeen in si kastoo ay dedaal u bixiyaan maleeshiaadka Riddada Soomaaliya iyo ciidamada Kenya, haddana ay u tamar la’yihiin xakamaynta hawl-gallada xooggan ee Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida ay khubarada UN-ku u sheegeen wakaaladda wararka AP.
Waxa kale oo intaasi ay ku dareen, in mujaahidiintu ay kordhiyeen weerarradooda, isla markaana horraantii sannadkan madaxa kooxda Villa Somaliya murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu si dirqiya uga badbaaday mid ka mida weerarradaasi oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.
Khubarada UN-ku, waxay carabaabeen in cabsida ay Kuffaartu ka qabaan Mujaahidiinta aanay ku koobnayn oo kaliya weerarrada, balse sidoo kale ay ka werwersan yihiin sida ay dhalinyaradu ugu qulqulayso mucaskaraadka Mujaahidiinta.
Xogta khubarada urur-gaaleedka QM, waxa kale oo ay tilmaantay in Kenya ay la rafaadsan tahay, weerarrada ay mujaahidiintu ku bartilmaameedsadaan ciidamadeeda kala duwan ee ku sugan deggaannada muslimiinta ee xoogga ay ku haysato.
Guddida UN-ku waxay sheegeen in sannadkan sii dhammaanaya cel-celis ahaan bishiiba ay 6 weerar mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha Kenya, gaar ahaan gobollada Lamu iyo Mandhera, oo ka mida dhulka muslimiinta ee maamulka saliibiga ah ee Nairobi uu xoogga ku haysto.
Khubarada Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xarriiqeen in yoolka ugu dambeeya ee Geesiyada Tawxiixdka ee bariga Afrika uu yahay in dalka ay ka saaraan ciidamada shisheeye, kadibna ay gebi ahaantiisba kusoo dabbaallaan ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.
Warbixintan ayaa imanaysa saacado kadib markii urur-gaalleedka Qaramada Midoobay uu Talaadadii ansixiyey qaraar albaabada loogu laabayo xafiiskoodii ay ku lahaayeen Soomaaliya, tallaabadaas oo lagu sifeeyey mid hormood ka ah soo afjaridda hawl-galladii saliibiga ahaa ee dalka ka socday muddada badan.