Shil xooggan oo dhimasho iyo dhaawac gaystay ayaa ka dhacay mid ka mid ah ismaamullada Kenya, xilli Kenya ka mid tahay dalalka inta badan laga soo diiwaan-geliyo dhacdooyinka shilalka ah.
Shilkan gaari ayaa si gaar ah uga dhacay waddo aad u mashquul badan oo isku xirta magaalooyinka Eldoret iyo Webuye, halkaas oo ay shil ku galeen 2 gaari oo midi yahay nooca rakaabka qaada halka midka kalena yahay gaari xamuul ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilkan gaari ee ka dhacay ismaamulka Kakamega ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga rakaabka, oo ka soo baxay magaalada Eldoret uu qaybta gadaal kaga dhacay baabuur xamuul ah oo wadada la dhigay, isku dhaca ayaana yimid markii darawalku isku dayay inuu xoog ku dhaafo gawaarida kale.
Warbaahinta maxalliga ah ee Kenya oo soo xiganaysa Samuel Wamalwa oo ka mid ah masuuliyiinta deegaanka Maturu, ayaa xaqiijiyay dhacdada shilka ah, wuxuuna intaas ku daray in wadaha gaariga rakaabka ah uu ka mid noqday dadka ku dhintay shilkan baabuur.