Golaha ammaanka ee urur-gaaleedka Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyey in albaabada loo laado xafiiskii ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya, kadib kulan ay saacadihii lasoo dhaafay ku yeesheen xarruntooda magaalada New York ee carriga Maraykanka.
Xafiiskan UN-ka oo hormood ka ahaa duullaanka saliibiga ah ee muddada badan ka socday Soomaaliya, ayuu goluhu isku raacay in si dhamaystiran loo soo afjaro 31 October 2026, lana joojiyo dhammaan hawlihii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Sidoo kale Golaha Ammaanka ee urur-gaaleeda Qaramada Midoobay waxay dib u cusboonaysiiyeen hawl-galka macatab-ku-dirirka ah ee calooshood-u-shaqaysta AUSSOM ay ka wadaan Soomaaliya, iyagoo ugu daray muddo hal sano ah oo ku eg dhammaadka 2026-ka.
Intii fadhigani uu socday, dawladda Maraykanka ayaa soo bandhigtay tirakoob anfariir ku riday Kuffaartii madashaasi isgu timid, oo muujinaya qaybo ka mida khasaaraha baaxadda leh ee 18-kii sano ee lasoo dhaafay ciidanka Midowga Afrika kasoo gaaray duullaanka Soomaaliya.
Jeffrey Bartos oo ah wakiilka Mareykanka u qaabilsan Maamulka iyo Dib u habeynta Qaramada Midoobay, ayaa goobtaasi kaga dhawaaqay in 8,000 (Sideed Kun) oo askari oo ka tirsanaa ciidamada Afrikaantu, ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Mas’uulkan u hadlay dawladda Maraykanka, waxa uu muujiyey fuuq-baxa millateri iyo midka dhaqaale ee guud ahaan Kuffaartu ay kala kulmeen duullaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in la joogo wakhtigii Riddada Soomaaliya ay tunka u ridan lahayd mas’uuliyadda amnigooda.
Waxa uu gaalkani isagoo arrintan ka hadalaya uu yiri “Mas’uuliyadda la-dagaallanka Al-Shabaab waa inay u wareegto kuwa ay arrintu sida tooska ah u khuseyso…” oo uu ka wado kooxaha daba-dhilifyada ee riddada Soomaaliya.
Waxa kale oo uu carabaabay in balaayiin Dollar ay dawladda Maraykanku ku bixisay sugidda amniga kooxda Riddada Soomaaliya, isagoo muujiyey in lacagtaasi ay gebi ahaanba khasaartay maadaama uu sheegay in xaalka riddadu uu weli sidiisii yahay, oo haba yaraatee wax iska beddelay aanu jirin.
Saliibigani wuxuu si cad u dalbaday in howlgalka AUSSOM loo sameeyo khariidad lagu kalsoonaan karo oo si buuxda loogu soo afjarayo, taas oo falanqeeyayaashu ku tilmaameen farriin cad oo Mareykanku ku muujiyey dalabkiisa ah soo gabogabaynta duullaankan qaatay tobonnaanka sano.
Dowladda Mareykanku waxay sheegtay in bilaha soo socda ay qaadan doonaan go’aan adag oo ay hoos ugu dhigayaan taageerada Riddada Soomaaliya, iyo hawl-galka AUSSOM, isla markaana ay dar-dar gelin ku samaynayaan sidii kooxaha riddadu ula wareegi lahaayeen amnigooda.