Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya oo Xilkii Laga Qaaday iyo Xogo Kale.

Dec 23, 2025

Maamulka saliibiga ah ee Donald Trump ayaa saacadihii lasoo dhaafay xil-ka-xayuubin ku sameeyey isla markaana dib ugu yeeray safiirkii dawladda Maraykanka u qaabilsanaa dalka Soomaaliya, gaalka lagu magacaabo Richard Riley (Rijadh Raali).

Go’aankan oo soo afjaraya hawlihii uu safiirkani ka hayay Soomaaliya ayaa qayb ka ah wareegto saacadihii lasoo dhaafay kasoo baxday maamulka Trump oo xilka looga qaaday ku dhowaad 30 diblomaasi oo hayay jagada safiirnimo iyo xilal sare oo safaaradeed.

Tallaabadan ayaa lagu sifeeyey mid ku qotonta qaabaynta uu Maraykanku ku wado siyaasadda dibadda, isagoo maamulka Washington awoodda saarayo dadka sida buuxda u taageersan ajandayaasha Trump ee ah “American First” oo laga wado Maraykanka ayaa iska leh mudnaanta koowaad.

Madaxda safaaradaha ee ugu yaraan 29 dal ayaa toddobaadkii hore lagu wargeliyay in muddadoodii shaqo ay ku eg tahay bisha Janaayo, sida ay wakaaladda wararka AP u dusiyeen laba mas’uul oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Sida ay wararku tibaaxayaan Wasaaraddu waxay ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso tirada saxda ah ama magacyada safiirrada ay wareegtadani saamaysay, balse waxay si adag u difaacday isbeddelka diblomaasiyadda dibadda ee dawladda Maraykanka.

Wasaaradda khaarajigu waxay xustay in safiirku yahay wakiilka gaarka ah ee madaxweynaha, sidaas darteed maamulku wuxuu xaq u leeyahay ayay tiri inuu iska hubiyo in shaqsiyaadka loo magacaabayo dalalka dibahada ay yihiin kuwo horumarinaya ajandaha America First.

Xil-ka-xayuubinta lagu sameeyey safiirradan uu ka mid yahay kan Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa xilli cabsi xooggan ay soo food-saartay kooxaha riddada iyo kuffaarta ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii Geesiyada Tawxiidku ay dar-dar xooggan geliyeen hawl-galladooda, deggaanno badanna kusoo dabbaalleen ku-dhaqanka Shareecada Raxmaanka.