Sarkaal ka Tirsan Xukuumada Xamar oo Dadka Tahriibiya oo Lagu Qabtay Ireland.

Dec 23, 2025

Xeerbeegtida dowladda Ireland ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay mas’uul katirsanaa kooxda Riddada Soomaaliya, kaasi oo ku lug lahaa falal burcadnimo iyo tahriibin ah waxaana lagu riday xukun kama dambeys ah.

Dowladda Ireland ayaa warbaahinteeda rasmiga ah ku faafisay warbixin ay ku sheegayso in Cabdiladiif Maxamed oo ku shaqeysanayay magaca Xuseen lagu helay in uu qaab suuq madoow ah dalka kusoo geliyay tobanaan qof soomaali ah isagoo adeegsanaya baasaboorka soomaaliga ah islamarkaana ka faa’iidaysanaya xilkii uu hayay.

Sedaxdii bilood ee ugu dambaysay sanadkii 2024 ayuu Cabdiladiif wadanka Ireland qaab tahriib ah kusoo geliyay tahriibayaal ubadan dumar, isagoo ka qaatay lacago tobannaan kun oo Dollar ah.

Maxkamadda denbiyada ee magaalada Dablan ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ninkan isagoo xil diblumaasiyadeed ka haya kooxda Riddada, wuxuuna ku eedaysanyahay in uu dad farabadan dalka soo geliyay isagoo adeegsanaya baasaboor diblumaasi ah

Sarkaalkan katirsan kooxda Riddada Soomaaliya ee ka shaqeysanayay tahriibinta dadka ayaa dambiyada lagu heysto waxaa kamid ah in laba dumar ah uu ka qaatay qof walba lacag ka badan 15,000 oo dollar, guddoomiyaha maxkamadda dembiyada dalka Ireland ayaa sheegay in sarkaalkan katirsan xukuumadda Riddada uu ka tallaabay xayndaabka diblumaasiyadda uuna isku beddelay burcad ka ganacsada tahriibinta bani’aadamka.

Kiiskan ayaa fadeexad ku noqday dowladda Xasan Gurguurte,bartamihii sanadkan kiis midkan lamid ah ayaa soo shaac baxay kadib markii wasiir katirsan Riddada uu wafdigiisa ku darsaday 10 ruux xilli uu ka qeyb gelayay shir ka dhacay dalka Iswezerland waxaana baaritaanno kadib la ogaaday in dadkaas uu lacago laaluush ah ka qaatay.