Xildhibaanad Faa’iso Jeyte oo ka tirsan Baarlamaanka ridada ayaa shaley kulankii golaha dawaaqiida ridada waxay ka sheegtay in ay walaac ka muujinayaan ciidanka Mujaahidiinta ee dhawaan la wareegay deegaano dhaca duleedka Warsheekh ee Shabeellada Dhexe.
Waxay sheegtay in Xildhibaanadaan inaysan suuragal ahayn inay ka doodaan miisaaniyada kooxda ridada xilli Mujaahidiinta ay soo qabsanayaan Warsheekh oo 70 kmt u jirta magaalada Muqdisho.
DHAGEYSO 👇
Qeyladhaanta ay jeedisay Xildhibaanadaan ridada ka tirsan waxay kusoo aadaysaa xilli Mujaahidiinta ay maalmahaan howlgallo kawadeen deegaano dhaca duleedka Warsheekh, halkaasi oo shaley ay ka dhaceen dagaallo iyo qaraxyo lagu jabiyey maleeshiyaatka riddaa, iyadoona qalqal xooggan uu soo wajahay murtadiinta ku sugan Warsheekh.
Howlgalada Mujaahidiinta ee ka socda Shabeellada Dhexe ayaa dhinaca kale waxay kusoo beegmayaan xilli warbaahinada gaalada ay aad u hadalhayeen muddooyinkii lasoo dhaafay awooda Mujaahidiinta, iyo khatar soo wajahday murtadiinta ee ku aadan in Mujaahidiinta ay la wareegaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.