War-muriyeed ka dhan ah murtad Gurguurte iyo kooxdiisa ayaa habeennimadii xalay laga soo saaray gunaanadka shir muddo saddex cisho ah madaxyo-weynta mucaaradka ee Riddada Soomaaliya uga socday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Kooxda la baxday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban siyaasiyiinta ugu tunka weyn mucaaradka Muqdisho, iyo madaxda labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale xubno ka tirsan golaha dawaaqiidda ee Riddada Soomaaliya ayaa ka mida ka qayb-galayaasha shirkan.
Waxay sheegeen in shirkan lagu soo bandhigay warbixinno walaacooda wata oo muujinaya fashilka baaxadda leh ee dul-hoganaya kooxda Riddada Soomaaliya, hadday noqoto dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Kala-irdhaynta shacabka Soomaaliyeed, fara-gelinta dastuur-gaalleedka, ku-takrifal awooddeed, musuqmaasuq iyo eex ayay ku eedeeyeen murtadka hoggaanka u haya kooxda Riddada ee Villa Somaliya.
Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in ammaanka riddadu uu faraha ka baxay, maleeshiyaadkii kala duwanaa ee calool-uustuna ay burbureen, Gurguurtena uu gebi ahaanba ku fashilmay dagaalkii lagula jiray Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sidoo kale waxay siyaasiyiinta mucaaradku ka dhawaajiyeen in murtad Gurguurte uu dalka u horseeday burbur dhaqaale iyo xaalad bani’aademnimo oo ka dhalatay ayay yiraahdeen musuqmaasuq baahsan, barakicinta danyarta iyo xaraashka hantida caamka ah.
Kooxda Villa Somaliya ayay sidoo kale ku eedeeyeen cadaadis iyo faquuq ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha iyo weliba ganacstada ay duruuftu ku khasabtay in hantidoodii ay ula qaxaan dalalka shisheeye.
Mucaaradku waxay isku raaceen in marnaba aanay aqbalayn wax muddo-kororsi ah iyo wax-ka-beddelka uu Gurguurte ku sameeyey dastuur-gaalleedka Riddada Soomaliya, taas oo ay sheegeen in ay abuurayso xasillooni-darro siyaasadeed, iyo qalalaase amni.
Waxa kale oo bayaankan oo ka kooban 17 qodob lagu sheegay in muddo hal bil ah oo ku eeg labaatanka bisha soo socota, jaanis ahaan loo siiyey murtad Gurguurte, haddii uu rabo ayaa la yiri in mucaaradka uu kala xaajoodo doorasho heshiis lagu yahay oo wakhtigeeda ku qabsoonta.
War-mutiyeedka waxa lagu caddeeyey in haddii Gurguurte uu beer-darreeyo jaaniskaasi, baaqyadaasina dhagaha ka furaysto uu si toos ah golaha mucaaradku u gudo-geli doono sidii loo qaban lahaa doorasho lagu dhisi doono xukuumad cusub oo majaraha u qabata Villa Somaliya.
Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxda Riddadu dar-dar xooggan gelisay doorasho-ku-sheegtan ay ka abaabulayso magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku sifaysay cibaado la mid ah salaadda oo kale, sida uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhawaajiyey murtad Fiqi oo ah wasiirka gaashaan-dhigga ee xukuumadda Gurguurte.