Magaalada Kismaanyo ee xaruunta maamulka ashahaado ladirika ee Jubbaland waxaa ka degay hoggaamiyeyasha mucaaradka ee kasoo horjeeda madaxa Kooxda Ridada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha maamulka ridada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo wata maleeshiyaad fara badan.
Sidoo kale waxaa gegida diyaaradaha ee Kismaayo kasoo degay R/wasaarihii hore ee kooxda Ridada, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo sidoo kale murtad C/Raxmaan C/Shakuur Warsame, halka Shariif murtad la filayo in berito oo Khamiis uu gaaro magaalada.
Kulamadan oo lagu wado in maalinta berrito ah ay furmaan, ayay wararku tibaaxayaan in sidoo kale looga hadli doonaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya maamul-goboleedyada iyo kooxda ridada Soomaaliya, mustaqbalka nidaamka doorashooyinka ridada, iyo baahida loo qabo is-afgarad ay mucaaradku wada-jir u gaaraan inta ka horreysa xilliga doorashada.
Shirkaaan oo laga soo saari doono qodobo xasaasi ah oo ka dhan ah dowladda ridada ee Xasan Gurguurte, ayaa dhaliyey hadalheyn ballaaran, waxaana lasoo warinayaa in kooxda ridada Soomaaliya ay dhowr jeer isku dayday inay joojiso shirka mucaaradka, iyadoona arrintaasi u maraysa dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
Qodobada la hadalhayo inay mucaaradku kasoo saari doonaan shirkan, ayaa lagu sheegay inay ka mid tahay inay ku hanjabi doonaan in haddii Gurguurte doorasho heshiis lagu yahay qaban waayo, ay iyaguna soo dhisi doonaan dowlad kale oo barbar socota tan Xassan Gurguurte.