Markii ugu horraysay hoggaamiyihii hore ee maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa ka hadlay weerar naftiisa halis lagu geliyay oo horraantii bishan ka dhacay madaarka caalamiga magaalada Hargeysa.
Muuse Biixi Cabdi oo dib ugusoo laabtay caasimadda gobolka waqooyi galbeed ayaa sheegay in askartii rasaasta ku furtay gaarigii uu la socday ay yihiin kuwa doonayay in ay nafta dhaafiyeen wuxuuna saadaaliyay in weerar kaas lamid ah lagu qaadi karo Daahir Rayaale iyo Muuse Bixii.
Wuxuu xaqiijiyay in wixii isaga ku dhacay ay ahaayeen kuwa loo bareeray oo ladoonayay in halis lagu geliyo.
Muuse Biixi ayaa carrabaabay in maamulka dabadhilifka Somaliland uu wajahayo xaalad halis ah oo kala furfur ah isagoo ka digay in haddii halisaha uu maamulkan wajahayo aan wax laga qaban ay suurtagal tahay in uu burburo.