Fano oo Shaacisay in ay Dishay Boqolaal Askari oo ka Tirsan Ciidanka Abiy Axmed.

Dec 17, 2025

Jabhadda fallaagada ah ee Fano ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in dhegta dhiigga ay u dareen in ka badan 253 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya, 58 askari oo kalena ay dhaawaceen, kadib weerar ay saddex cisho ka hor ka fuliyeen degmo ku taal waqooyiga gobolka Amxaarada.

Taliska Waqooyiga Gonder ee Fano ayaa sidoo kale u sheegay warbaahinta Ethiopian Media Service in muddadii uu dagaalkaasi socday ay nolosha ku qabteen 85 askari oo ka tirsanaa ciidanka Xabashida Itoobiya ee ka dagaallamayay aaggaasi.

Ugu yaraan labo Guuto oo ka tirsan ciidanka maamulka Abiy Axmed ayaa cagta la mariyey, sida uu sheegay taliska Fano, waxaanu intaasi ku daray in dagaalkaasi ay kula wareegeen saanad millateri oo aad u fara badan, oo ay ka mid yihiin 47 qori oo AK47 ah.

Waxaa iyaguna jira warar sheegaya in maleeshiyaadka amxaarada ee Fano uu dhankoodana khasaare kasoo gaaray dagaalkaasi, oo sida la sheegay bilawday subaxdii hore hore, socdayna muddo ku dhow 11 saacadood oo xiriir ah, kaas oo ilaa hadda aanu ka hadal maamulka Addis Ababa.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan dhowr sarkaal oo ka tirsan maleeshiyaadka Fano ay isku dhiibeen ciidanka Xabashida Itoobiya, isla markaana maamulka dowladda Federaalka Itoobiya ay shaaciyeen in ay dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsan jabhadda Fano.