Khasaaraha Yahuudda Lagu Gaarsiiyay Weerar ka Dhacay Australia oo sii Kordhay.

Dec 15, 2025

Waxaa sii kordhay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerar lagu beegsaday boqollaal Yahuud ah oo shalay ka dhacay xeebta Sydney oo ah magaalada ugu weyn dalka Austaralia.

Sida ay tibaaxayaan faahfaahinnadii ugu dambeeyey ee laga helay weerarkaasi, ugu yaraan 16 qof oo Yahuud ah ayaa dhintay, 40 kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii Aabbe iyo wiilkiisu ay rasaas ku fureen boqollaal Yahuud ah oo ku dabbaal-degaysay xeebta Bondi ee magaalada Sydney.

Weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu xumaa ee ka dhacay Australia muddo 30 sannadood ah, ayaa werwer iyo argagax badan ku abuuray Sahaayinadii goobtaasi isugu timid. Waxaana la arkayay bakhtiga Yahuudda oo muddo badan yaallay halkaasi.

Aabbaha weerarka fuliyey oo da’diisa lagu sheegay 50 jir, ayaa ku dhintay is-rasaasayn dhex-martay isaga iyo booliska, halka wiilkiisa oo ahaa 24 jir, uu isna soo gaaray dhaawac culus, kaas oo la sheegay in boolisku ay u qaadeen kuna waardiyeynayaan mid ka mida cisbitaallada magaalada.

Dadka dhaawacmay ayaa sida la xaqiijiyey waxaa ku jira 2 sarkaal oo boolis ah, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah. Waxaana goobta la weeraray ee xafladdu ka socotay soo xaadiray ku dhawaad Kun qof oo Yahuud ah.

Raysal-wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu, ayaa canaan kala dul-dhacay dawladda Australia oo uu sheegay in ay ka gaabisay in ay wax ka qabato kororka nacaybka Yahuudda ee ka jira gudaha dalkaasi, dhagahana ka furaysatay digniinno la xiriira arrimahan oo horey loo siiyey.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli maamulka gumaystaha Sahaayinadu uu xasuuq maalinle ah ku hayo shacabka muslimiinta ah ee reer Falastiin.