Dagaallo afar jeer lagu jabiyay maleeshiyaatka Murtadiinta ayaa maanta waxay markale ka dhaceen agagaarka deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus, waxaa barbar socday qarax iyo weerar duqeyn ah oo Murtadiinta la gula beegsaday isla agagaarka deegaanka Baarka, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay.
Xogaha aanu helney ayaa tibaaxaysa, in maleeshiyaadka ridada weerarradan lagu gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawac, iyadoo baqtiga iyo dhaawaca askar murtadiin ah loo daad-gureeyey dhanka magaalada Kismaayo.
Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca Murtadiinta lagu gaarsiiyay weerarkan, maleeshiyaadka ridada ayaa jiitey Gaari Cabdi bile oo burburka xooggan uu kasoo gaarey qarax ay Mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaadkaasi.
Sidan oo kale, Maalinimadii shaley illaa Saddex jeer ayaa Murtadiinta lagu jabiyay dagaallo ka dhacay agagaarka deegaanka Baarka, waxaana kasii horeeyay weerar madaafiic loo adeegsaday, oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyada la beegsaday.
La Soco Wixii Kusoo Kordha Dagaalladan, Inshaa Allaah.