Kaddib guuldarooyinka milatari iyo kuwa siyaasadeedeed ee xukuumadda daba-dhilifka ah ee Maali kasoo gaaray furimaha dagaalka, ayeey maleeshiyaatka xukumada ridada iyo kuwa murtazaqada Ruushka ay ku kaceen falal lagu dilay dad shacab ah oo ka dhacay waqooyiga dalkaasi.
Ugu yaraan illaa sideed ruux ayeey wararku sheegayaan in ay ku dileen goob fagaara ah, iyaga oo sidoo kale dab qabadsiiyay guryo ay deganaayeen dad shacab ah iyo goobo ganacsi.
Jamaacada Nusratual Islaam Wal Muslimiin oo ka hadashay falkaasi foosha xun ayaa si adag u canbaaraysay, mas’uuliyada wixii dhacayna dusha usaartay xukumada Boomaako iyo murtazaqada Ruushka.
“Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa oo u dhaleeceynaynaa dilalka arxan-darrada ah ee lagu qaaday dadka deegaanka ee gobolka Khouba – Raas al-Maa, taas oo ay geysteen ciidamada Mali iyo kuwa murtazaqada Ruushka.
Waxay halkaas ku dileen 8 qof, waxayna dhaawaceen labo haween ah, halka labo kale ay dhaawacyo kale soo gaareen. Sidoo kale waxay gubeen dukaamo ganacsi iyagoo aan wax sabab ah ama eed ah u cuskan. Xasbunallahu Wanicmal Wakiil.
Daldalladaan waxay qeyb ka yihiin silsilad dambiyeedyo ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool waqooyiga iyo koonfurta dalka, kuwaas oo ay sameeyaan dowladda iyo kuwa ay la shaqeeyaan.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay jamaacada.