Dagaallo Xooggan oo Maalinkii Labaad Ka Socda Magaalada Boorama.

Dec 6, 2025

Waxaa sii xoogaystay iska hor imaadyo u dhaxeeya shacabka ku dhaqana magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo maleeshiyaadka ashahaado-la-dirirka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa tibaaxaya in gudaha Boorama ay ka socdaan banaanbaxyo waaweyn, halka maleeshiyaadka riddaduna ay dadka shacabka ah u adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya weerar dhabbo-gal ah oo loo dhigay Odayaal uu maamulka Cirro kasoo diray magaalada Hargeysa kuna sii jeeday Boorama, si ay u dejiyaan xaaladda cakiran ee ka taagan magaaladaasi.

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Riddada oo ilaalo u ahaa odayaashaasi ayaa weerarkaasi lagu dilay, sida uu goor dhawayd xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ugu magacaaban maamulka Hargeysa.

Murtad Cirro oo goor dhawayd shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la joojiyey bandhigga buugga muranka dhaliyey ee lagu sheegay Xeerka Ciisaha, kaas oo maamulka gaalla-raaca Somaliland uu horey u shaaciyey in dhawaan lagu soo bandhigi doono magaalada Saylac.

Bannaanaxyadu weli waa ay socdaan, waxaana xusid mudan oo baraha bulshadda goor dhawayd si weyn ugu faafay muuqaallo muujinaya dhalinyaro calanka Riddada Somaliland ka dejinaysa hoteel ku yaalla Boorama oo odayaasha Cirro uu soo diray ay ku shirayeen.