Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ku eedaysay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda riddada Masar in ay kiciyeen hadallo cadaawad badani ay ka muuqata, isla markaana si buuxda u diideen wadahadal ku saabsan biyaha Niil iyo Biyo-xireenka Al-Nahda.
Bayaan arrimahan looga hadlay oo wasaaraddu ay soo saartay, ayaa lagu sheegay in hadalladii dhawaan ka soo yeeray Qaahira ay yihiin “muujinta fashilka dowladda Masar ee la qabsiga xaqiiqooyinka qarniga 21aad.
Waxa ay wasaaradda Arrimaha dibaddu sutay in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dawladda Masar ay weli ku dheggan yihiin wax ay ku sheegtay “maskaxda gumeysiga” oo ay aaminsan yihiin ayay tiri in Masaaridu ay xuquuq gaar ah ku leeyihiin biyaha Niil.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Itoobiya waxa kale oo lagu sheegay in dawladda Masar ay isku dayayso in colaado hor leh oo ay ku wiiqayso mandaqadda ka huriso gobolka Geeska Afrikaay iyadoo raadineysa ayaa la yiri dawlado jilicsan oo daciif ah, isla markaana kala qaybsan.
Itoobiya waxay carrabka ku adkaysay in ay xaq u leedahay isticmaalka Webiga Niil, cid ka hor-joogsan kartaana aanay jirin. Iyadoo intaa raacisay in Masar aysan diyaar u ahayn wada-hadal, isla markaana hadalladeedu ay sii hurinayaan xiisado hor leh.
Warkan kasoo yeeray Itoobiya ayaa kusoo aadaya iyadoo wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar uu mar kale ku celiyey in Niilku uu yahay dan qaran oo marnaba aan la gorgortami karin isla markaana aysan wada-hadal dambe la geli doonin dawladda Xabashida Itoobiya.