Dawladda Saliibiyadda ah ee Maraykanka oo gar-wadeen ka ah duullaanka macatab-ku-dirirka ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay walaac xooggan ka qabto koboca awoodeed ee Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee magacooda loosoo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Anderson ayaa ka warbixiyey safarro heerkoodu sarreeyo oo usbuucii lasoo dhaafay uu kusoo maray magaalooyinka Addis Ababa, Hargeysa, Berbera iyo Boosaaso.
Bayaan saacadihii lasoo dhaafay kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in dulucda socdaalladaasi ay salka ku hayeen sidii maamulka Washington iyo maamullada Geeska Afrika ay iskaga kaashan lahaayeen la-dagaallanka Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Waxa lagu qiray bayaankan in Maraykanku keligiis aanu la dagaallami karin Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoo muujiyey werwer iyo cabsi xooggan oo uu ka qabo horumarka ballaaran ee ay ku tallaabsadeen geesiyada tawxiidka ee bariga iyo galbeedka qaaradda Afrika.
Intii uu Taliyaha AFRICOM joogay Addis Ababa waxa uu kulanno fool-ka-fool ah la yeeshay R/Wasaare Abiy Axmed iyo Taliyaha ugu sarreeya ciidanka Xabashida Itoobiya Janaraal Birhanu Jula, iyagoo ka wada hadlay walaaca ay ka qabaan horumarka Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika.
Sidoo kale muddadii uu Saliibigani ku sugnaa magaalada Hargeysa waxa uu kulamo la qaatay murtad Cirro oo ah hor-joogaha maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland iyo saraakiisha ugu sarraysay maleeshiyaadka kala duwan ee maamulkaasi.
Waxa kale oo Gaalkani uu booqday dekedda Berbera oo Maraykanku damacsan yahay in saldhig millateri uu ka dhigto, halkaas oo sida bayaanka lagu sheegay uu qiimeyn ku sameeyey xaaladda amniga iyo awoodda ay dekeddu u leedahay hawlgallada amniga.
Janaraal Anderson intii uu ku gudo-jiray kulannadan uu la qaatay gaallada Bariga Afrika, waxa uu carrabka ku adkeeyey isla markaana uu ku calaacalay in ay sii kordhayaan khatarta ka dhanka ah hawl-gallada macatab-ku-dirirka ah ee gaalladu ay ka waddo bariga iyo galbeedka qaaradda Afrika.
Waxaanu Gaalkani uu dawladda saliibiyadda ah ee Itoobiya iyo maamullada Riddada ah ee Soomaaliya uu u sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu taageero u fidiyo maamullada ashahaado-la-dirirka ah, balse aanu keligiis usoo ban-bixi karin la-dagaallanka Mujaahidiinta.