Suuqa Xamarweyne oo Xirmay Kadib Markii Lacago baad ah Lagu soo Rogay Goobaha Ganacsiga.

Dec 1, 2025

Waxaa maalintii 2aad oo xiriir ah xiran suuqa Xamarweyn oo ah suuqa 3aad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, ganacsatada ayaa albaabada isugu laabay mehradahooda ganacsiga kadib markii ay awoodi waayeen in ay bixyaan lacago xad dhaaf ah ah oo ay kusoo rogtay kooxda Riddada Soomaaliya.

Muuqaallo lagasoo duubay suuqa ayaa muujinayay Xamarweyne oo haawanaya waxaana xiran intabadan goobaha ganacsiga gaar ahaan qeybaha Electronic-ga iyo dharka.

Ganacsatada ayaa iska diiday in ay bixiyaan lacago baad ah oo ay duldhigtay wasaaradda maaliyadda kooxda Ridada, guddiga ganacsatada suuqa Xamarweyne waxay sheegeen in waxani ay yihiin dhac loobareeray oo lagu carqaladeynayo ganacsiga suuqa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Riddada ay ganacsatada ka doonayso lacago ka badan waxa ay faa’iidaan taas oo ay ku sifeeyeen mid aan la aqbali karin waxayna carrabaabeen in ganacsiga magaalada Muqdisho uu aad hoos ugu dhacay uuna qarka usaaranyahay in uu burburo.

Cabashada ka imaanaysa ganacsatada gobolka Banaadir ayaa sii xoogeysanaysay bilihii lasoo dhaafay waxaana karkaarka jabsaday dhaca iyo boobka uga imaanaya kooxda Riddada soomaaliya