Sahaayinada oo Gudaha Lubnaan ka Geysatay Weerarkii ugu Xooganaa Mudooyinkan.

Nov 23, 2025

Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa galabnimadii maanta duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay magaalada bayruut ee dalka Lubnaan, waxaana si gaar ah loo beegsaday guri ka kooban illaa Toban dabaq, iyadoona goob-joogayaal ay xaqiijiyeen in kooxaha dab-damiska ay ku guuleysteen in ay si buuxda u damiyaan dab ka dhashay duqeynta Yahuudda.

Gumeystaha ayaa sheegay in weerarkan duqeynta ah ay ku beegsadeen xubin sare oo ka tirsan ururka Shiiciga ah ee isugu yeerray Xisbullaah, iyagoo ka dhawaajiyey in mas’uulka la beegsaday lagu magacaabo Abuu Cali oo ah hogaamiyaha garabka militeri ee ururka, balse illaa hadda lama xaqiijin geerida ama nolosha mas’uulka la beegsaday.

Wararka horudhaca ah ayaa tilmaamaya in ay jiraan khasaare ka dhashay weerarka Yahuudda, waxaana la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo dhaawaca 25 qof oo ay ku jirto maamo waayeel ah, sida laga arki karo sawirro goobta laga soo qaadey.

Sawirrada ayaa sidoo kale laga dheehan karaa bur-burka dhismaha la beegsaday, waxayna duqeynta si gaar ah u beegsatay dabaqyada dhexe ee guriga, iyadoo weerarkan sidoo kale uu khasaare u geystay dhismayaal dariska la ahaa dabaqa la beegsaday.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Golaha Siyaasadda ee ururka isugu yeerray Xisbullah ninka lagu magacaabo Maxmuud oo qabtey shir-jaraa’id, ayaa xaqiijiyay in duqeynta lagu beegsaday xabin iyaga ka tirsan, inkastoo uusan magacaabin mas’uulka la beegsaday iyo xaalkiisa, wuxuuse tibaaxay in ay dib kasoo gudbin doonaan macluumaad badan.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Lubnaan, Jooziif Cown ayaa sheegay in weerarka Yahuudda ee magaalada Bayruut uu caddeyn u yahay sida maamulkan uu dhagaha uga furreystay baaqyadda isdaba joogga ah ee ku aadan joojinta xad-gudubyadiisa.

Jooziif ayaa intaa ku daray in maamulka Netanyahu uu ganafka ku dhuftay dhaqan gelinta shuruucyada dawladnimo, isagoo dhanka kale cusbooneysiiyay baaqyada ah in si deg-deg ah looga hortaggo xad-gudubyada Yahuudda ay u geysanayso Lubnaan iyo shacabkeeda, sida uu hadalka u dhigay

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa lagu sifeeyay dhabar-jebin ka dhan ah ururka ay taageerto dowladda Iiraan, waxaase haatan filasho loogu jiraa sida ururkan iyo atbaacdiisa ay weerarkan uga jawaab celin doonaan.

FAAFREEB PRO