Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dalka Yugaandha ka dhacay iska hor imaad dhex maray dadwayne Muslimiin ah iyo kooxo Kirishtaan ah oo ku nool dalkaas, kaas oo salka ku hayay xad gudub uu nin kiristan ah kula kacay masjid.
Xiisaddan ayaa qaraxday kadib markii nin Kiristan ah uu isku dayay inuu furto maqaaxi lagu iibiyo hilibka doofaarka oo kaabiga ku haysa masjidka, dhacdadan ayaa sababtay mudaharaadyo ay dhigeen dadka muslimiinta ah, waxaana isla deegaanka lagu dilay illaa Shan qof oo kiristaan ah.
Sheekh Kasiim Cabdalla oo hoggaaminayay bannaanbaxyadan, ayaa sheegay in dadwaynaha muslimiinta ah ee mudaharaadayay ay u istaageen dhowrista qiyamka Islaamka, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay illaashadaan muqadaaskooda meel kasta oo ay joogaan.
Dawladda Yugaandha ayaa ka hor timid kalmada uu jeediyay Sheekh Kasiim Cabdalla iyo abaabulka dibad-baxyada Islaamiga ah ee lagu difaacayay masjidka, waxayna ciidamada Boosliisku isku dayeen inay ka hor tagaan dadkii dhigayay mudahaardka, iyada oo uu halkaas mar kale ka dhacay iska horimaad dhex marayka Muslimiinta iyo ciidamada saliibiyiinta Ugaandha.