Wararka ka imaanaya xuduudda u dhaxayso dalalka Azerbaijan iyo Georgia, ayaa sheegaya in diyaarad ciidan oo lahayd dowladda Riddada ah ee Turkiga ay maanta ku burburtay halkaasi.
Wazaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara waxay sheegtay in diyaaradda oo ah nooca C-130 ee daabusha xamuulka millatari ay ku burburtay xuduudda labadaasi dal, waxayna intaas ku dartay in diyaaraddu ku jeeday Turkiga, kana timid dhanka Azarbayjaan.
Sidoo kale, wazaaraddu war ay maanta oo Arbaco ah ay soo saartay ayay ku xaqiijisay geeridda dhamaan 20-kii askari ee saaranaa diyaaradda, iyadoo sidoo kale la faafiyay magacyada iyo sawirrada askarta geeriyootay, illaa imika-na ma cadda sababta rasmiga ee keentay burburka diyaaradan.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday caasimadda Ankara, ayaa sheegay in dadaallada lagu raadinayo haraadiga burburka diyaaradda xamuulka milatari ee maanta dowladiisa kaga dhacday xuduudda Azarbayjaan iyo Joorjiya ay ku guda jiraan.
“Waxaa si murugo leh igu soo gaaray warka ku saabsan dhicitaanka diyaaraddii xamuulka milatari ee nooga dhacday xadka u dhaxeeya Georgia iyo Azerbaijan, dadaalladeennu weli way socdaan, waxaana si wadajir ah ula shaqaynaynaa maamulka Georgia si loo helo haraadiga diyaaradda”. Ayuu yiri Erdogaan.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay diyaaradda oo laba garab u kala jabtay oo dhulka kusii hoobanaysa iyo qiic ka baxayay, Turkigu si rasmi ah uma shaacin tirada dadka saarnaa diyaaraddan ciidan ee maanta dhulka soo dhacday.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dawladda ridada Turkiga ay la kulanto dhacdooyinkan oo kale, bishii June ee sanadkii tegay ee 2024-ka waxaa burburtay diyaarad tababar, taasi oo ay xilligaasi askar ku dhinteen, sidoo kale December ee isla sanadkaasi waxaa burburtay diyaarad nooca qumaatiga ukaca, waxaana ku dhintay Lix askari.