Maleeshiyaat ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya ayaa shalay weerar ku qaaday suuqa ganacsiga ee magaalada Baladxaawo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ganacsato ah.
Ganacsatada magaalada Baladxaawo ayaa iska diiday lacago baad ah oo ay kusoo rogeen maleeshiyaatka ridada ee ku sugan magaalada Baladxaawo.
Maleeshiyaatkaan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa weeraray suuqaasi, iyagoona dhaawacyo u geystay dad shacab ah kuwaasi oo ganacsiyo ku heystay suuqaasi.
Ilaa 4 ruux oo shacab ah oo ay qeyb ka ahaayeen dumar ayaa ku dhaawacmay rasaastii ay ridayeen maleeshiyaatka ee weerarka ku qaaday suuqa magaalada Baladxaawo.
Muddooyinkii lasoo dhaafay maleeshiyaatka ridada ayaa dhibaatooyin ka geysanayey magaalada Baladxaawo kuwaaso oo ay ku dhibaateeynayaan dadka shacabka muslimiinta ee magaaladaasi ku dhaqan.