Shirkad Turki ah oo Tobonaan Shaqaale Soomaali ah ka Cayrisay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Nov 11, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in mid ka mid ah shirkadaha dowladda ridada Turkiga ee gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha Muqdisho ay shaqada ka ceyrisay tobonaan shaqaale Soomaali ah oo halkaasi ka howlgalayay.

Shaqaalaha la ceyriyay ayaa lagu wargaliyay in ay shaqada isaga tagaan, iyadoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in lagu beddelay shaqaale ajaanib ah.

Wasiirka waxa loogu yeero Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu door weyn kulahaa ceyrinta shaqaalahaasi Soomaaliyeed ee garaanka ka shaqeynayay.

Shaqaalihii laga eryay shaqada garoonka ayaa maanta dhigay banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan tallaabada shaqo ceyrinta, iyaga oo sheegay in si gaar ah loo beegsaday oo lagu takooray.

Mudooyinkii u dambeeyay garoonka diyaaradaha ee magaallada Muqdisho waxaa ka taagnaa jahwareer xooggan, iyadoo shirkadda Turkiga ee gacanta ku haysa maamulka garoonka ay dhibaato hayso dadka musaafiriinta ah iyo shaqaalaha maxalliga ah. ay xusid mudan tahay in ay gacanta ku hayso shirkad Turki ah, taas oo dhibaato ku hayso dadka musaafiriinta ah .