OWP oo Shaacisay in Weerarkii Mujaahidiinta ee Godka Jilicoow uu Gilgilay Kufriga Caalamiga ah.

Nov 10, 2025

The Organization for World Peace (Di Oganazayshan Foo Weeld Piis) oo loo soo gaabiyo (OWP) oo ah urur-gaalleed fadhigiisu yahay dalka Kanada kana faallooda Arrimaha amniga ayaa warbixin kasoo saaray daraasad uu ku sameeyey weerarkii barakaysnaa ee dhawaan ay mujaahidiintu ku bartilmaameedsadeen Godka Jilicow oo ah xarunta ugu weyn sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Banaadir.

Weerarkan oo adhaxda ka jabiyey kooxda Riddada Soomaaliya isla markaana qoob-gariir ku riday macatableyda kusoo duushay dalka, ayay warbixintu ku sifaysay hawl-gal khatar ah oo gilgilay guud ahaan kuffaarta caalamka iyo kuwa gobolkaba, kuwaas oo dhammaantood ka anfariiray aad-na uga xumaaday hawl-galkaasi.

Warbixintu waxay xustay in weerarkani uu qayb ka yahay dagaalka jihaadiga ah ee tobanaanka sano ka socda dalka Soomaaliya, waxaanu dhacay ayay tiri bilo uun kadib, markii kooxda Al-Shabaab ay gudaha magaalada Muqdisho ku bartilmaameedsadeen madaxa kooxda Villa Soomaaliya Murtad Xasan Sheekh Maxamuud.

Daraasaddu waxay tilmaantay in hawl-gallada Mujaahidiinta ee la loodin la’yahay ay caqabad ku noqdeen kooxda Riddada Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka oo rabay in dalkan ay ka hir-geliyaan waxa loogu yeero dimuqraadiyadda oo ah diinta gaallada.

OWP, waxay ka sanqarisay in diidmadamujaahidiinta  Al-Shabaab ee sharciyada caalamiga ah oo ay ula jeeddo dimuqraadiyadda, iyo suurto-gal la’aanta cunaqabataynnada lagu soo rogo oo dhammaantood fashilmay ay uga sii darayso xaaladda liidata ee kooxda Riddada Soomaaliya.

The Organization for World Peace waxay hoosta ka xariiqday in weerarka ay mujaahidiintu ku beegsadeen Godka Jilicow uu dhaliyay su’aalo culus oo ku saabsan welwelka amni ee guud ahaan dimuqraadiyadda gobolka. Waxaanu astaan u yahay ayay tiri awoodda iyo xirfadda saraysa ee hawl-gallada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Waxa kale oo daraasaddu ka dhawaajisay in weerarrada noocan ahi ay mar walba halis ku yihiin qaadista tallaabooyin caalami ah oo lagu xakameynayo argagixisada oo ay ula jeedaan mujaahidiinta. Waxaanay cawaaqib waara ku yeelan karaan ayay tiri nabadda dimuqraadiyadda gobolka.

Intaa waxa dheer ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday urur-gaalleedka OWP, xaqiiqda ah in Al-Shabaab ay u suurtagashay in ay galaan Godka Jilicow oo ammaankiisa aad loo adkeeyey una dhow xarumaha dowladda uu weerarkaasi si cad u muujinayo in awoodda iyo hawl-gallada mujaahidiintu ay yihiin kuwo aad u xooggan.

Weerarrada noocan ah waxay sidoo kale meesha ka saarayaan ayaa lagu yiri warbixinta, kalsoonidii lagu qabay kooxda Riddada Soomaaliya, waxanay sii xoojin karaan khilaafka ka dhex aloosan kooxaha Riddada iyo rajo-xumada dul-hoganaysa dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Weerarkan ay warbixintu diiradda saartay ee dhawaan ay halyeeyada tawxiidka ku beegsadeen Godka Jilicow oo ah xarunta ugu weyn sirdoonka Riddada ee gobolka Banaadir, oo loogu magac-daray “Hawl-galka U Gargaaridda Dadka Dulman” ayaa dhegta dhiigga loogu daray ugu yaraan 41 askari oo u badan sirdoonka Riddada ee Nisa. Waxaana lagu dhaawacay 19 kale.

Waxa kale oo weerarkankan lagu burburiyey ugu yaraan 9 gaari oo isugu jira kuwa ciidamada iyo qaar ay wateen saraakiisha Nisa. Allaah fadligiis intii mujaahidiintu ay ku gudo-jireen hawl-galkaasi waxa kale oo ay ku guulaysteen in oodda ay kasoo qaadeen oo halkaasi ay kasii daayaan maxaabiis badan oo iskugu jiray mujaahidiin iyo dad shacab ah.