Hooyo Dan-yar ah oo ku hor Umushay Cisbitaalka Banaadir iyo Fadeexad Arinkaa ka Dhalatay.

Nov 8, 2025

Waxaa marba marka kasii dambaysay isa soo taraaya dhacdooyinka murugada leh ee kooxda arxan-laawayaasha ah ee Riddada Soomaaliya ay kula kacayso shacabka masaakiinta ah ee ku nool magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa soo shaac baxay oo la ogaaday dhacdo hor leh oo fajac iyo amakaag ku reebtay bulshadda Muqdisho, kadib markii laga war-helay, hooyo Soomaaliyeed oo ku hor umushay mid ka mida cisbitaallada ay maamusho kooxda Riddada Gurguurte, kadib markii la diiday in loo fidiyo adeeg deg-deg ah, isla markaana dibadda looga saaray cisbitaalka.

Goob-joogayaal u warramaxay warbaahinta ayaa sheegay in hooyada oo fool ah kuna sugan xaalad halis ah loola cararay cisbitaalka Banaadir oo ah goob caafimaad oo ay maamusho kooxda Gurguurte, balse hooyadaasi la diiday in loo fidiyo wax gurmad ah, waxaana lagu amray in bannaanka ay ka joogto cisbitaalka.

Hooyada oo sida la sheegay ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho, ayaan haysan kharash ku filan oo ay isaga bixiso adeeggaasi caafimaad, waana sababta keentay ayaa la yiri in laga saaro cisbitaalkan ay gacanta ku hayso kooxda Riddada ee Villa Somaliya.

Sida ay sheegeen dad goobta joogay, markii hooyada loo diidday in irridda ay foodda geliso, waxay ugu dambeyn ku hor umushay albaabka weyn ee cisbitaalka, iyadoo ay caawinaysay haweeney waayeel ah oo goobtaasi maraysay kana ka adkaysan wayday xaaladda khatarta ah ee hooyadaasi ay ku sugnayd.

Muuqaal aad looga argagaxay oo laga duubay hooyadu markii ay foolanaysay ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshadda. Waxaana laga dhex-maqlayaa catawga hooyada iyo qaylo-dhaanta qof ka mida dadkii dhacdadaasi goob-joogga ka ahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ilmaha yar uu ku dhashay xaalad adag, hooyaduna ay wajahday dhiig bax aad u daran, kadib markii kooxda cisbitaalku ay albaabada ka xirteen kana gaabsadeen xattaa in ay dhiig-joojin kaliya u sameeyaan.

Waakan Murtad Cali Xaaji Aadan oo ah Wasiirka kooxda Gurguurte ugu magacaaban Wasaaradda Caafimaadka oo afkiisa ka qiraaya dhacdadaasi foosha xun ee ka dhacday afaafka hore ee cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wasiirkan murtadka ah, ayaa dhanka kale bishii September sannadkii hore ee 2024-kii sheegay in uu amray in lacag laga dhigo qaar ka mid ah cisbitaallada danta guud ee kuyaalla magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay cisbitaalka Banaadir.

Kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte ayaa lacago baad ah oo tira-beel ah kusoo rogtay dadka ku dhaqan caasimadda, waxay lacago magacyo kala duwan loo huwiyay oo baad ah ka qaaddaa qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, gaadiidleyda iyo xitaa guryaha kuyaal caasimadda, haddana sidaas oo ay tahay kooxdan wax adeeg ah lacagahaasi ugu qabato bulshada, waa taas oo dadka danyarta ah cisbitalladeeda ku hor wajahaya daryeel xumo caafimaad.